Home“Madaxweyne; Wasiirka Hawlaha Guud Taariikhdii Aad Wadada Ceerigabo Ka Heli Lahayd Wuu...

“Madaxweyne; Wasiirka Hawlaha Guud Taariikhdii Aad Wadada Ceerigabo Ka Heli Lahayd Wuu Masaxay”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Muuse Yuusuf Raabi  oo ah xoghayaha qorshaynta  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,ayaa madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu badbaadiyo wadada Ceerigoobo oo uu sheegay in wasiirka hawlaha guud ee ay hoostagtaa uu ku fashilmay.

Waxa uu masuulkani warbaahinta u sheegay in daadad ay qaadeen wadadii Ceerigaabo oo inteeda badan ay carro kaawo tahay, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Wadadii Somaliland oo dhan ay isugu tagtay madax iyo minjaba, dal-joog iyo qurba joogba ee Ceerigaabo  oo daadadkii soo rogmaday ay qaadeen in ku dhow shan boqol oo talaabo oo inta caro kaawo uun la daadiyay ay daadadkiina masaxeen, markaas waxaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u soo jeedin lahaa wadadii ugu weynayd waxii aad qabatay ee himilada umaddu u soo jeeday, waxay noqotay caro kaawo inta la daadiyay daadku uu qaaday.”

Siyaasigan da’da yari wuxuu intaas raaciyay “Waxaanu ka soo duubnay iyada oo ay baabuurtii wadada dhexdeeda ku jirto, waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa in wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta ee aad wadooyinkiina ku rartay taariikhdii aad wadadaas ka heli lahayd waa uu masaxay, shan bilood kadib maaalinta aad talada dalka wareejinayso wado Ceerigaabo la yidhaahdo oo aad ka tagaysaa ma jirto ee waa ay maydhantay, waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa cid ka masuuliyad roon oo lagu aamini karo waxaas qaranka oo dhami isugu tagay oo waxba yaanay kordhine qalabka ilaalisa dayactirna ku samaysa madaxweyne u magacow. waxa la galay xili kala guur ah oo uu madaxweynuuba ka naxay markii uu isugu yeedhay haayadihii musuqa la dagaalmayay, waxa bilaabmay boob iyo dhulka danta guud oo la xaraashayo taas oo wasiirka hawlaha guud iyo guryayntu uu kow ka yahay, waxaan madaxweyne kuu soo jeedin lahaa in sida ugu dhakhsaha badan in loo magacaabo gudidii dabagalka hantida qaranka, kuma filna hanti dhawraha guud  oo kuma filna gudidii musuq-maasuqa ee kala yaacday, baabuurta iyo cagafyada yaala tuulooyinka waa lala kala tagi doonaa sida ugu dhakhsaha badan haddii aan loo magacaabin cid hantidaas daba gasha.”

 

Somaliladpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories