HomeMadaxweyne Trump oo Weji-gabax kala kulmay Maxkamadaha Dalka Maraykanka oo qaaddacay Codsigiisa

Madaxweyne Trump oo Weji-gabax kala kulmay Maxkamadaha Dalka Maraykanka oo qaaddacay Codsigiisa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Washington (SLpost)- Kooxda Ololaha Trump iyo Qareennada uu doodaya, ayaa guul-darrooyin is-daba joog ah kala kulmay Maxkamadaha Sare iyo kuwa Hoose ee gobollada dalka Maraykanka oo ay u gudbiyeen dacwado ka dhan natiijada codbixinta doorashadii Madaxweynaha ee dalkaas ka dhacday bishii November ee sannadkan.

Maxkamadda sare ee Gobolka Nevada ee dalka Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku horjoogsatay rafcaan ay Kooxda ololaha madaxweyne Trump ku dalbadeen in la joojiyo natiijooyinka Codbixinta shacabka gobolkaas.

blankGo’aanka ka soo baxay Maxkamadda ayaa noqonaysa khasaarihii ugu dambeeyey Iskudayga dadaallo dhinaca sharciga ah oo ka yimi madaxweyne Trump, kaas oo ah inaanu madaxweynaha la doortay ee Joe Biden ku guulaysanin codbixintii shacabka gobolka.

Lixda Garsoore ee Maxkamadda Sare ee Nevada oo dhammaantood go’aan isku mid ah kaga soo horjeestay dalabka Trump, ayaa yimi kaddib markii Maxkamadda Hoose ee gobolku soo saartay go’aan ka dhan dacwadda Trump todobaadkii hore, taasina ay sababtay in Kooxda Ololaha Trump iyo Qareennada u doodayaa racfaan u qaateen Maxkamadda Sare ee gobolka Nevada oo ka mid ah gobollada uu madaxweyne Trump codadka badan ka badan ka helay doorashadii uu 2016-kii Kursiga Aqalka Cad ku fuulay.

Garsoore James T. Russell oo ka tirsan Maxkamada gobolka Nevada ayaa Jimcihii soo saaray Xukun uu ku caddeeyey inaanay jirin wax cadeyn ah oo taageeraya sheegashooyinka wax isdabamarinta iyo khaladaadka lagu eedeeyey inay sameeyeen Kooxda ololaha doorashada ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo ku guuleystay in ka badan 33,000 oo cod tiradii guud ee Shacabka gobolkaas.

Warbixin ka kooban 40-bog oo xambaarsan Xukunka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Nevada xalay, waxa ay  garsoorayaashu ku taageereen go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Hoose, waxayna sheegeen inaanay maxkamaddu wax tallaabo ah qaadi doonin, kuna qanacday xukunkaas.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Nevada ayaa soo gunaanaday damaca kooxda Trump oo maalin ka hor weji-bax kala kulay Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo diidday isku day daqiiqadihii u dambeeyey lagu doonayay wax-ka-beddel lagu sameeyo natiijooyinka codbixinta gobolka Pennsylvania oo Joe Biden ku guulaystay.

Amarka ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu horjoogsaday codsi ay Kooxda Trump ku dalbadeen dib u eegis lagu sameeyo codbixinta gobolka Pennsylvania oo Biden ku guuleystay in ka badan 80,000 oo cod, taas oo habayaraatee aanay ku jirin caddeymo lagu sababaynayo khaladaadka iyo wax-is-daba marinta lagu eedeeyey Kooxda Ololaha ee madaxweynaha la doortay ee Maraykanka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories