HomeMadaxweyne Trump oo Cambaareyn Caalami ah kala Kulmay Weerar Qaawan oo uu...

Madaxweyne Trump oo Cambaareyn Caalami ah kala Kulmay Weerar Qaawan oo uu ku qaaday Afar Dumar ah oo ku jira Cogress-ka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Donal Trump, ayaa cambaareyn caalami ah kala kulmay hadal lagu tilmaamay deel-qaaf iyo Meel-ka-dhac oo uu ku weeraray Afar ka mid ah Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Aqalka Congress-ka ee dalkaas.

 

Hadalka uu ku weeraray Afarta haweenka ah oo si weyn looga dhibsaday looguna cambaareeyey gudaha dalka Maraykanka, ayaa ku saabsanaa isir-nacayb iyo takoor uu ku kala kacay xildhibaannada oo saddex ka mid ahi ku dhasheen gudaha Maraykanka, balse waalidiintoodu yihiin muhaajiriin u guuray dakaas halka haweenayda saddexaad oo ah Ilhan Cumar ay ku dhalatay Somalia ka hor intii aanay u guurin dalka Maraykanka.

 

Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley, Ilhan Omer - US congress women

 

Raysalwasaaraha dalka Britain, Theresa May, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caalamka ee ka fal-celiyey ee cambaareeyey hadalka Trump ku weeraray haweenka ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka, kuwaas oo uu ku idhi weedh ahayd ‘Dib ugu laabta dalalkii aad ka timaaddeen’.

 

Theresa May waxay hadalka Trump ku tilmaantay mid aan la aqbali Karin.

 

Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad, halka xubinka u matalaya xisbiga Jamhuuriga uu Trump uu ka soo jeedo uu ka gaabsaday.
Haweenka aqalka Koongreska Mareykanka ka tirsan uu weeraray Madaxweyne Trump, ayaa kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley oo ku dhashay Mareykanka iyo lhaan Cumar oo Soomaali, taas oo Maraykanka qaxoontinimo ku gasha iyadoo 12-jir ah. Afarta Haween ah ayaa ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.
Ms Ocasico-Cortez waxay ku dhalatay Bronx oo New York ka tirsan, halkaa 12 Mile u jirta Cusbitaalka Queen oo ah halka uu Madaxweyne Trump ku dhashay.

 

Saddex qoraal oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay si joogto ah u dhaliilaan isaga iyo Mareykanka, isagoo markaas afartoodaba ka dhigaya inaanay ahayn Dhalad Maraykan ah.

 

“Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan.

 

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen,” Sidaas ayuu Trump ku sheegay qoraalka uu ku weeraray Afarta Haweenka ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

 

Haweenka Afarta ah ee la weeraray, ayaa kaga fal-celiyey hadalka Trump Shir-jaraa’id oo ay wada-jir u qabteen Maalintii Isniinta ee shalay

 

blank
Rashida Tlaib, Ayanna Pressley, Ilhan Omar and Alexandria Ocasio-Cortez

 

Hoggaamiyaha Aqalka Congress-ka ee Maraykanka Nancy Pelosi, ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump.

 

Wax ka baro Afarta Hablood ee Hurdada u diiday Madaxweyne Donal Trump

 

Ilhaan Cumar oo xilli dambe ka fal-celisay hadalkaas, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay eedayn ay ugu jeedisay Trump inuu yahay madaxweynaha ugu Musuqsan ee soo maray Maraykanka. Sidoo kale Ilhaan Cumar waxa ay hadalka Trump ku tilmaanta mid kala qaybinaya shacabka Maraykanka.

 

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories