HomeMadaxweyne Tallo Nasteex U Ah Dalka Iyo Dadka Ayaan Kuu Haynaa Aqbalkeeda…By:...

Madaxweyne Tallo Nasteex U Ah Dalka Iyo Dadka Ayaan Kuu Haynaa Aqbalkeeda…By: Maxamuud Walaaleeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

mBisha Ramadaan fadaa’il badan ayey leedahay ka mid yihiin inay tahay bishii Ilaahay soo dediyey Qur’aanka kariimka, oo ah  acmaasha bishan ummada islaamku ku camirayso akhriskiisa iyo barashadiisaba.

Ilaahay waxuu Qur’aanka kariimka inoogu sheegay in waxa ugu horeeya ee ummadu inay  fuliso tahay salaada, marka ay hantaan dhulkooda, isla markaana waa camalka ugu horeeya ee qofka laga xisaabiyo aakhiro, oo hadii ay u hagaato, dhamaan camaladiisu hagaagayaan, hadii ay xumaatana dhamaan acmaashiisu la xumaanayaan, ilaahay ha inooga dhigo kuwa salaadoodu u hagaagtee.

Diinteenu waa nastaax ayuu macnaha xadiis nebgeenii Maxamed CSW sheegay ahaa, markii la weydiiyeyna waxuu raaciyey, waxay u tahay, Ilaahay, Rasuulkiisa, madaxda iyo raciyadooda, taasoo loo baahan yahay in qof walba waajibka ka saaran ka soo baxo

Si aynu acmaal wanaagsan ugu camirno bishan barakaysan ee Ramadaam oo weliba aynu ku jirno maalmahii ugu dambeeyey, uguna qaalisanaa ee habeenkii Layla’tul qadarku ku jiro, waxa loo baahan yahay inaynu isku boorino ku dedaalka camalada wanaagsan ee ilaahay inoo dhoweynaya.

Dadkeenu baddi marka la yidhaahdo shaqo ayaa banaan waxuu qof walba diyaarsadaa aqoontii iyo khibradihii shaqadaa uu ku heli lahaa, balse waxaad moodaa inaanu qofna ka fekerin inuu aqoontiisa iyo khibradihiisa ku darsado, hadaan la weydiin xitaa aqoon aduun iyo aakhiraba wax weyn u tari lahayd oo ah aqoonta diinta iyo Qur’aanka kariimka.

Haddaba, tallo nasteex ah oo aduun iyo aakhiraba waxtar weyn u leh Madaxweynahaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilanyo, miisaankiisa aakhirana buuxinaysa, dalka iyo dadkuna faa’iido u leh ayaan jecelnahay inaan halkan ugu soo jeedino ku talaabsigeeda, uguna horeyso salaada iyo xoojinteeda.

Madaxweyne, maadama salaadu tahay waajibka ugu horeeya ee ummadeena islaamka ah saaran, waxaan kaa codsanayanaa si in badan ugu sii baraarugto gudashadeeda inaad qoraal ku bayaamiso in wakhtiyada salaada wakhtiga la gudanayo fasax loo helo dhamaan xafiisyada dawlada, sidaana wareegto ku dhaqan geliso.

Sidoo kale, Madaxweyne adigoo horena talaabooyin dhaxal-gal u ah diinta iyo dalkaba ugu dhaqaaqay waxaan kaa codsanaynaa inaad amar ku bixiso in dhamaan shuruudaha looga baahan yahay shaqooyinka cusub ee dawladda ku darto in qofku soo doonaya aqoon u leeyahay quraanka kariimka iyo diinta, taasoo dal iyo dadba aduun iyo aakhiraba wax u tari doonta.

Ugu dambayn Madaxweyne waxaan si xishmad leh kaaga codsanaynaa, maadama aad tahay hogaamiyahii ummada inaad horseed wanaag noogu nooqto dhamaan wax kastoo aduun iyo aakhiraba na anfacaya, ajarna aad ilaahay kaga heli doontid, ummadana abaal weyn kuugu hayn doonaan.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories