HomeMadaxweyne Somaliland oo Kulankii ugu ballaadhnaa la qaatay Jaaliyadda UK iyo Nuxurka...

Madaxweyne Somaliland oo Kulankii ugu ballaadhnaa la qaatay Jaaliyadda UK iyo Nuxurka Khudbado laga Jeediyey Madal Il-yartu is-qabatay (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa kulan balaadhan kula yeeshay xarunta la yidhaahdo Mermaid ee ku taalla badhtamaha Magaalada London boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee wadanka Ingiriiska.

Kulankaas Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Jaaliyadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa kale oo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, Wasiir Ku xigeenkii hore ee Arrimaha dibadda Mudane Maxamed Yoonis Cawaale, Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaalle, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland oo hoolka soo buux dhaafiyay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in sida weyn ee Jaaliyaddu u soo dhaweysay ay ka turjumayso siday u danaynayaan aayaha Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dadweynaha Somaliland ee halkan iskugu yimid ee sida qiimaha iyo qaayaha leh noo soo dhaweeyay, ayaad iyo aad ayaan idiin salaamayaa, idiinkuna mahad naqayaa. Waxay ina tusaysaa sida balaadhan ee aad u soo shirteen ee aad meel walba iskaga timaadeen. Waxay na tusaysaa sidaad u danaynaysaan arrimaha qaranka iyo aayaha dambe ee Somaliland sidaad u danaynaysaan uguna heelan tihiin shirarkii hore ee aanu dalka kale ku galay iyo kuwii aanu halkan (Ingiriiska) ku galayba.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ay ahayd qaran madax banaan xiligii ay afrika ka curatay neecowdii xoriyaddu, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland muddo badan ayay u soo halgamaysay madax-banaanideeda, Somaliland taariikhiyan waxay ahayd markiisii hore sida laga wada war-qabo qaran madax banaan oo markii afrika oo dhami ay ka soo wada baxaysay isticmaarkii ee xoriyada la qaadanayay, Somaliland wadan gooniya oo maxmiyad u ah Ingiriiska ayay ahaan jirtay. Xamaasadii berigaas jirtay ee ahayd in dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhan la isku keeno kuwii faransiisku gumaysan jiray ee Jabuuti ka mid tahay, kuwa Kenya jooga, kuwa Itoobiya ka tirsan iyo innagoo Somaliland ah oo ingiriiska mustacmarad u ahayn iyo Soomaaliyadii kaleba ayay ahayd in la isku keeno jibadii xiligaasi jirtay. May suurto gelin arrintaasi oo dawladihii jiray ayaa wakhtigaasi suurto-gelin waayay. Intii ka dambaysayna wacyigu aad iyo aad ayuu isu bedelay. Waynu ognahay dhibaatooyinkii iyo khasaarihii ina soo gaadhay halgankii ay Somaliland la gashay nidaamkii Siyaad Barre, waana aynu ognahay sidii xoriyada loola soo noqday 1991-kii.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay “Somaliland waxay intaasi u soo halgamaysay, dagaalamaysay,una shaqeynaysay inay madax-banaanideedii oo buuxda oo caalamku aqoonsan yahay ay la soo noqoto. Dabcan illaa imika cid ictiraaf ina siisay ma jirto, laakiin dunidu way inala dhaqmaysay, way inala macaamishaa,mucaawimo ayay ina siisaa,way inala shaqaysaa oo sidii dawlad madax banaan ayay inoola macaamishaa.”

“Dadkeena iyo ummadeenuna waxay ku adag yihiin inay xoriyadoodii la soo noqdaan wax kasta ha ku qaadatee. Shirarka aanu adduunka la galaynay ee aanu meel walba u soo maraynay ee aanu walaalahayaga Soomaaliya aanu kala hadlaynay qodobka uu ku fadhiyaa wuxuu ahaa inay madax-banaanida Somaliland ictiraafaan, iyagana Nabad-gelyo, wada shaqayn, isku socod iyo isqadarin inaynu yeelano ayay ahayd. Soomaaliya colaad iyo xumaan uma hayno laakiin madax-banaanida Somaliland waa mid taariikhiya, waana mid dadkeeda iyo ummadeedu ay ku tashadeen, waana mid aanu ka wada shaqaynayno,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

XAFLADDAMadaxweynaha Somaliland waxa sheegay in shirarkii Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya iskugu yimaadeen inaanay mar qudha xukuumadda Somaliland ka noqon mawqifkeedii la xidhiidhay in madax-banaanida Somaliland muqadas tahay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Turkigu wuu isku kaayo keenay Soomaaliya, shirar badan baa la iskugu yimid meelo iyo qodobo badan baa laga wada hadlay, mar qudha Somaliland kamay noqon mawqifkeedana waxba kamay bedelin waxaanu ku taagnayn madax-banaanideena, Carabta ha noqoto ama Turkiga ha noqotee intii laga wada hadlayay arrintaasi ayay ahayd.”

“Soomaaliya waxaanu u kulanay si aanu ku siman nahay, markaa meel kasta aanu tagno ee waxaad ku kalsoonaataan inaanu mar walba u taagan nahay inaanu dawlad ahaan daafacayno madax-banaanida iyo gooni isku taaga Somaliland. Taas ummaddu nagu aamintay ayaanu annaguna ku socodsiinaynaa waxaanu jecel nahay saaxiibadeen inaanu is fahano laakiin danta qaranku meesha ay ku jirto ugama baydhayno,”ayuu intaasi raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu ku faanay in wufuuda dibada u baxaysa ee caalamka la soo xaajoonaysa ay ka dhigaan qaar qaran oo loo dhan yahay, waxaanu yidhi “Arrimaha la xidhiidha qadiyadda Somaliland iyo wufuudeena tagaysa dibadaha ee la soo macaamiloonaya kama dhigno xukuumadda oo kaliya waxa isku raaca axsaabta qaranka oo dhan iyo Goleyaasha qaranka si aanu u muujino midnimada iyo wada jirka qaranka Somaliland. Waxaad ku kalsoonaataan inaanu sidaasi ku wadi doono inshaalaahu tacaalaa. Taageeradiina (qurbo-jooga) waanu u baahan nahay qaran ahaan.”

Mudane Axmed Siilaanyo ka hadlay shirka Ingiriisku u qabanayo sidii caalamku u garab geli lahaa Soomaaliya iyo mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska oo aynu cilaaqaad dheer leenahay, mucaawimo bandanna aynu ku qabno, saaxiibtinimo badan iyo waxtar bandanna inaga dhaxeyso, shir bay u qabanayaan Soomaaliya uu wax gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu ku nidhi shirkaasi annaga (Somaliland) nama khuseeyo. Xaasidi mayno, una diidi mayno in wixii loo tarayo iyo wixii loo qaban karaba loo qabto Soomaaliya. Laakiin Annagu Soomaaliya kama mid nihin, maadaama oo aanaan ka mid ahayn shir Soomaaliya ay gudoominaysana annagu iman mayno.”

“Hore ayaanu intii aanu Itoobiya joognay dhawaan ula kulanay xubno ka mid ah Wasiirrada Ingiriiska waanu u cadaynay mawqifkayaga, imika markii aanu London nimidna waxaanu is aragnay Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo Wasiirka Arrimaha dibadda William Hugue iyagana mawqifkaas ayaanu u cadaynay, waanan ku taagan nahay mawqifkaasi weli.waxaanan jecel nahay iyaguna nagu taageeraan arrintaasi,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, Wasiir Ku xigeenkii hore ee Arrimaha dibadda Mudane Maxamed Yoonis Cawaale iyo Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaalle,kuwaasi oo dhammaantood ka waramay dedaalada Somaliland ugu jirto inay noqoto qaran caalamka ka hela aqoonsi caalamiya iyo sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo midnimada iyo wada jirka Somaliland.

Xafladaasi waxa kale oo lagu soo bandhigay gabayo iyo suugaan kale oo lagu taageerayay Somaliland isla markaana lagu hogotusaaleynayay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Kulankani oo socday Laba Saacadood, ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa la yeesho Jaaliyadda Somaliland ee Debedaha Gaar ahaan dalka UK.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories