HomeMadaxweyne Somaliland oo dhagax dhigay Xarun Agoomaha lagu Daryeello oo Dawlada Kuweyt...

Madaxweyne Somaliland oo dhagax dhigay Xarun Agoomaha lagu Daryeello oo Dawlada Kuweyt ku bixinayso $3 Milyan (DHEGAYSO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silnaayo), ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo Xarun lagu daryeelaayo Carruurta agoomaha ee Somaliland oo loogu magacdaray Kaamka carruuraha, kaasoo laga hirgalinaayo Bariga Caasimada Hargeysa.

blankMunaasibaddii dhagax-dhiga waxa  ka soo qayb-gallay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo. Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo. Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali xaaji xasan, Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, taliyayaasha Ciidamada Qaranka ee kala duwan, , Duqa Caasimadda, Ha’yadda samafalka Madaxtooyada  iyo mas’uuliyiin tiro badan oo kale. Waxa kale oo Xafladaasi goob joog ka ahaa wefti ka socday dalka Kuweyt.
Dhismaha xaruntan cusub ee agoomaha oo loogu tallo galay inay qaaddo oo lagu xanaaneeyo ugu yaraan 750 caruurta agoomaha ah ayna ku baxayso adduun gaadhaya saddex Milyan oo Doolar oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, isla markaanaSarkaal ka socday Dawlada kuweyt  waxa uu sheegay inay xarruntani  ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah. Qayb Carruurta agoonta ah waxlagu baraayo, qayb Misaajida iyo qayb dadka lagu daweenaayo iyo qaybtii hurdada.
blankWasiirrada Wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Maaliyadda oo ka hadlay xafladaasi ayaa uga mahad-celiyey Ha’yadda reer Kuwayt ee mashruuan fulinaysa iyagoo dhanka kalena bulshada u jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta agoomaha ee reer somaliland.
Dr. khalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii reer Kuweyt ee ka soo qayb galay munaasabadda dhagaxdhiga ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso kuwaasoo lagu taageerayo Dawlada Somaliland.
blankMd. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo hadal ka jeediyey munaasibadaasi ayaa uga mahad-caliyey dalka Kuweyt kaalmadan ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan caruurta agoomaha oo xaruntani muhiim u tahay sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalkooda oo ay ka mid yihiin bulshada, isla markaana waxa uu ugu baaqay Ummadda, qaranka iyo Ummaddaha ISlaamkaba inuu xilkasaaran yahay oo ay u bahan yihiin in wax loo qabto, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi. “Waxa maanta (shalay) farxad ii ah inaan ka qayb-gallo Dalka kuweyt xarrunta uu maanta u dhisayaan carruunta dhalinyarada ah xarrunta ee agoonta ah ee u baahan in wax loo qabto oo wax loo sameeyo aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa. Mushtamacaasi waa mushtamac u baahan in wax loo qabto. oo Bulshada qayb wayn oo ka mid ah weeye oo xilkasaran yahay Ummadda, qaranka iyo Ummadda Islaamka meel kasta oo ay jogaanba,” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo),

Halkan ka Dhegayso Khudbaddii Madaxweynaha

Khudbad madaxweyne

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories