Home“Madaxweyne Siilaanyoow Guur, oo Wasiiradaadana la Guur” Jamaal Cali Xuseen

“Madaxweyne Siilaanyoow Guur, oo Wasiiradaadana la Guur” Jamaal Cali Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Qoraal ka hadlayey wasiiradii is casillay iyo fashilitaanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayuu musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mudane, Jamaal Cali Xuseen qoray.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan:

Ninba baa laga hayey isagoo xaaskiisii oo ay is qabteen la hadlaaya; ” Baareey guur, oo sinxigaagana la guur”. shacabku waa in ay ogaadaan in ay Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa iyagu shaqo u dirteen oo isagu uun ay wax ka dhaxeeyaan. Maaha in Siilaanyo iyo inta Kulmiye ku hadhsan fashilaaddii ay ka qaadeen laxaadka wasiiradda is casilay in ay ku jiheeyaan shacabkii oo ay yidhaahdaan qaranka ayeey duminayaan wasiiradda is casilay.

Adduunyadda kale marka tiro intaa le’eg oo wasiir iyo masuuliyiin sarsare ay xukuumad iska casilaan, madaxweynaha dalkuna wuu is casilaa oo waxa uu qirtaa inuu faashil ku yimid xukunkiisii, oo dadka ayuu ku celiyaa. Isagoo sharaf iga mudan, laakiin maanta halka Madaxweyne Siilaanyo uu iska casili lahaa, waxa uu bilaabay in dadkii lagu jiheeyo oo la yidhaa waa qaran dumis wasiiradda is casilay ee aynu ognahay culeyska ay lahaayeen.

Cid weliba way ogtahay nin wasiir ah, oo shaqadda ka tegay oo la shaqeyn kari waayey madaxweyne balan beena siiyey, in aanu ahayn qaran dumis. Qaranka shacabka iyo ciidankiisa qaranka ayaa ilaashanaya oo cidina ma dumin karto. Hay’adda dalka ugu sareeysaa waa shacabka; shacabku waa inay bilaabaan in ay la xisaabtamaan madaxweynahii ay doorteen, mid joogga iyo mid soo socdaba. Dalku uma baahna in mar walba lagu mashquuliyo arrimaha Kulmiye iyo boobka qaawaan ee lala beegsaday hantiddii qaranka. Siilaanyo balan qaadyaddii uu sameeyey ee ciidaa ka badnaa muu fulin oo maye? wuxuu yidhi; hantidda qaranka lama iibin doono, wuxuu ina yidhi doorashaddu maalin igu dhaafi mayso, wuxuu inagu yidhi dawlad tiro yar oo tayo yar baan sameeynayaa. Maalintii dhaweyd ee uu dawladda magacaabayna waxaabad moodeysay in uu jawaan ka soo hurgufay faro badnaantoodda. Dalkan kaabayaashiisii dhaqaale ayuu si badheedh ah Siilaanyo u iibiyey; waxaa ugu danbeysay Haamahii uu baal maray Baarlamaankii oo uu si waadix ah u wareejiyey. Dhulkii danta guud waxba kama hadhsana; in ka badan 500 oo guri oo dawladdu lahayd oo la iibiyey dhaqaalahii ka soo baxayna aan meelna lagu ogeyn. Haddaba shacabka yaan lagu mashquulin wasiiro is casilay ee Siilaanyo oo shantii sanadood ee la doortay ay dhamaadeen, doorashaddii ma qabanayaa? maxay isku og yihiin kooxdan Kulmiye ee uu u cumaamaday, kolay dee waabay difaacayeen hantidii uu wareejiyaye maxaa hoose oo ka dhaxeeya? taasi xilligeeday iman, laakiin arrinka imika yaalla waa yaan wasiiraddan is casilay aan shiciboow cadow laydinka dhigine; indhaha iyo dhegahaba fura; oo hadaad waxba ka garan waydaan xaqbaa u leedahiin inaad tidhaahdaan halku dhigii ninkii aan qoraalka ku bilaabay ee yidhi; “Baareey guur oo Sinxigaagana la guur!” oo shacabkuna ugu badello ” Madaxweyne Siilaanyoow guur, oo wasiiradaadana la guur!. Dalkan Somaliland marna dawlad la’aan ku dhici maayo; shacabkiisa ayaa hareeraha ka joogga. Inshallah dhibaato kasta oo maamul xumo keentana waynu ka talaabsanaynaa. Xilliyo aynu imika ka xumeyn baa jiree shacabkood feejignaadda.

Qalinkii: Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories