HomeMadaxweyne Siilaanyo: “Waxaa ii sharaf ah inaan ka soo qayb-galo xuska aas-aaskii...

Madaxweyne Siilaanyo: “Waxaa ii sharaf ah inaan ka soo qayb-galo xuska aas-aaskii telefishanka HCTV”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad loo sameeyey aas-aaska sannad-guuradda 10-aad ee teleshinka madax-bannaan ee Horn Cable TV.

Munaasibadan oo lagu qabtay Hotel Mansoor, ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyeyaasha labada gole qaran, Xubno Wasiiro ah, Xildhibaanada Baarlamanka, Qaybaha Bulshada, Madax-dhaqameed,  Qaybaha Warbaahinta dalka iyo Marti sharaf tiro-badan.

Ugu horreyn waxa munaasibadda ka hadlay Agaasimaha guud telefishinka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo tafaasiil ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee Telefiishanku soo maray tan iyo sannadkii 2003 oo la aasaasay. “Bilowgiisii iyo ilaa maanta (Shalay) oo adduunka oo dhan laga daawado, waxaan aaminsannahay inay ka howl-galaan wariyayaal kala duwan oo gaadhayaa 131 Wariye guud ahaan dacalada dunida ka hawl-gala,”ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cabdi waxaanu intaasi sii raaciyey, “Waxaan xukuumadda leeyahay qorshayaasheeda waxqabad inay ku darsato sidii loo kobcin lahaa aqoonta saxaafadda Somaliland, maadaama oo saxaafadu tahay wax muhiim u ah bulshada Somaliland horumarkeeda ka shaqaysa oo mudnaanta koowad la siiya suxufiyiinta.”

Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Golah Wakiilada, ahna Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), “Waxaan hambalyo u dirayaa telefiishanku kaalinta uu kaga jiro horumarka Somaliland, waxaanu ugu hambalyeynayaa sannad guurada 10-aad ee aasaaska Telefiishanka ka soo wareegtay.”ayuu yidhi Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Dhinaca kale, Mulkiilaha Telefiishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka iyo ganacsatada Somaliland ugu hambalyeeyay sida ay u garab taagan yihiin dedaalkooda, waxaanu yidhi, “Waxaanu si gaar ah ugu mahad-naqay dadwaynah ka soo qayb-galay xuska  iyo ganacsatadda sida wanaagsan ee ay noo garab taagan yihiin hadh iyo habeen oo ay taasi muujinayso inay raali ka yihiin shaqada Tv-gu u hayo shacabkiisa iyo ummadda ku hadasha afka Soomaliga.”

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdillaahi Daahir Cakuse iyo Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo dhammaantood soo dhaweeyey xuskan loo qabtay sannad-guurada 10aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii telefishinka HCTV oo ay ku boogaadiyeen kaalinta uu kaga jiro warbaahinta dalka iyo horumarka uu ka sameeyey dhamaan adduunka daafihiisa.


Munaasibadda 10-guurada HCTV oo sidoo lagu soo bandhigay riwaayado iyo ciyaar-dhaqameed, waxa geba-gabadeedii  hadal kooban ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Telefiishanka ku hambalyeeyay doorka uu horumarka dalka ka qaatay, waxaanu yidhi, “Waxaa ii sharaf ah inaan ka soo qayb-galo xuska aas-aaskii telefishinka HCTV, qiimihiisu waxa uu qaranka ka kaga jiraa xubin weyn oo waa telefishin aynu ku faani karno, oo waxay gaadhsiiyeen dunida daafaheeda. Waxaan aad iyo aad u jecelahay inaan ka soo qayb-galo xaflada tan, waxaan jecelahay in aan ugu hambalyeeyo sharafta iyo qiimaha ay dalka iyo dadka u soo hooyeen. Waxaan mar kale leeyahay hambalyo aad iyo aad u balaadhan ayaan leeyahay intiinna ka soo qayb-gashay iyo inteenna isku timi iyo inta dhegaysanayaa, waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sharafta iyo qiimaha ay xafladdani leedahay iyo sida aynu u qiimaynay waa mid ay is-taahisho waa mid ay qaranka iyo ummadda ka is-taahisho.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories