HomeMadaxweyne Siilaanyo sheegay in taageerada beesha Caalamku siiso Somaliland ay wax weyn...

Madaxweyne Siilaanyo sheegay in taageerada beesha Caalamku siiso Somaliland ay wax weyn ka Beddeli karo Xaaladda Mandaqadda Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

IMG_5224Hargeysa ()- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magaalada ka furay kulan dhexmaray Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo hay’adaha Xukuumadda Somaliland, kaas oo sannadkiiba laba jeer dib-u-eegis lagu sameeyo qodobbada ka fulay mashaariic laga taageero Dawladda.

Shirkan oo maanta ku qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada Caalamiga ah, waddamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, hay’adaha Dawladda iyo ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo waxa uu kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay geeddi-socodkii dhismaha dawlanimo ee dalka, doorka beesha caalamku ka geysatay hirgelinta haykal dawladeed oo shaqaynaya iyo muhiimaha taageerada dhaqaalaha ee beesha caalamku u leedahay sii socoshada nidaamka dimuraadiyadeed ee Somaliland dhabbaheeda hayso.

IMG_5215Khudbadda madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Shirkaas,  waxa uu madaxweynuhu kaga markhaati kacay taageerada dhinaca horumarka ee beesha caalamku la garab-taagan tahay Xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale rejo fiican ka muujiyey in taageerada qaadhaan-bixiyeyaashu siiyaan Somaliland ay wax weyn ka beddeli karto xaaladda waddamada jiiraanka ah ee mandaqadda Geeska Afrika.

Khudbadda Madaxweynaha oo Luqadda Afka Ingiriisigu ku qornayd, isla markaana aanu afkiina hooyo idinku soo tarjunnay, ayaa u dhignayd sidan:

IMG_5208“Aniga oo ku hadlaya magaca Dawladda Somaliland iyo Shacabkeeda, waxaan idinku mahadcelinayaa inaad ka soo qayb-gashaan Madashan taariikhiga ah, gaar ahaan Saaxibadayada beesha Caalamka ee danaynaya inay muujiyaan sii wadi-taanka taageerooda ay la garan taagan yihiin horumarka Somaliland.

IMG_5201Waxa aynu maanta halkan isugu nimi inaynu jaan-goyno bilaabista  iskaashi dib loo habeeyey oo u dhexeeya Somaliland iyo Saaxiibbadeeda ka taageera dhinaca horumarinta, kaas oo lagu aasaasay hirgelinta Heshiiska Cusub ee ku salaysan mabaadi’da caalamiga ah. Mawqifkayaga, tani waxa ay suurto-gelisay hirgelinta mashruuca Diyaar-garowga Gaarka ah ee Somaliland.

IMG_5195Marka ficil loo beddelo, mashruuca u-diyaar-garowgu micnihiisu waxa weeye inuu noqon doono waxyaabaha mudnaanta leh ee ay ogsoon yihiin Shacabka Somaliland, iyada oo marayo Qorshaha Horumarinta Qaran, kaas oo ku hagi doono dariiqa loo marayo hirgelintiisa. Waxa kale oo ujeeddadiisu tahay in dhismaha hay’adaha aanuu ku saamaynay muddada labaatanka sanno ah ee aanu ku soo jirnay dhismaha Dawladnimo qaran  ee aanu seeska hoose ka soo dhisayney, ay dammaanad-qaadi doonaan barnaamijyada maalgelineed ee laga soo mariyo hay’adaha dhaqaale sida Sanduuqa Horumarinta Somaliland [Somaliland Development Fund] (SDF). Tanina waa imkaaniyaadka dhaqaalaynta taas oo Somaliland rumaysan tahay inay yarayn doonto Kharashaadka badan, inay qiimo wanaagsan u yeesho lacagta laga qaado cashuur-bixiyeyaasha, isla markaana ay kor u qaaddo wax-soo-saarka iyo saamaynta dhinaca horumarka ee wakhtiga fog. Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan Deeq-bixiyeyaasha inay ku soo biiraan Sanduuqan Dhaqaale. Sanduuqa Dhaqaalaha Somaliland (SDF) waxa uu imika ku jira miisaaniyadda. Laakiin marka la eego qaab-dhismeedkiisa, waxa ku jira dhaqaale dhiirrigelin ah, kaas oo sida caadiga ah ku xidhiidhsan Maamulka Maaliyadeed ee Qaranka, qorshahayga dib-u-habaynta maamulka maaliyadeed ee Qaran waa mid aanaan ka daalayn.

IMG_5190Waxa maanta halkan lagu falanqeeyey, ma noqon doono oo kaliya mid saamayn ku yeesha nolosha dadkagaya oo rejaynaya in labaatanka sanno ee ku naalloonayeen nabaddada iyo deggenanaanshuhu ay sii socon doonaan si ay u helaan koboc dhaqaale oo intii hore ka badan, balse waxa uu sidoo kale tusaale lagu daydo u noqon doonaa dalalka Mandaqadda. Anaga oo ku naala gobol ay ragaadiyeen dagaallo, Xaq-jinimo iyo argigixiso, Somaliland waxa ay dunida u muujisay inay ka duwanaato. Guusha ay Somaliland gaadhay waxa ay markhaati kac u tahay in nabadda, deggenaanshaha iyo horumarka lagu gaadhi karo dib-u-heshiisiin, tixgelinta xuquuqda bani’aadamka, dimuraadiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxaanu samaynay horumar la taaban karo laba iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey, waxaana dedaalkaas lagu suurto-galiyey furfurnaanta Shacabkayaga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay nagu taageerayeen qaadhaan-bixiyeyaasha wada-shaqayntu naga dhaxayso. Laakiin, waxa wali naga horeeya dariiq dheer oo aanu ku xaqiijinayno rabitaankayaga ku qeexan himiladayada Qaran ee ku xusan qorshahayaga Horumarinta Qaran, laguna murajaceeyey mashruuca Dib-u-habaynta Gaarka ah ee Somaliland.

IMG_5205Waxyaabaha muhiimadda noo ah waxa ka mid ah inaanu xoojino geeddi-socodkayaga dimuqraadiyadeed, inaanu Xoojinno Ammaankayaga, inaanu horumarino awooddadayada wax-soo-saar, inaanu shaqo abuur ah Dhalinyaradayada, inaanu adeegyo bulsho oo fulin bixinno, inaanu kobcino dakhli ku filan hawlayaga shaqo iyo baahida maalgelineed isla markaana aanu ilaalino Deegaankayaga.

Dawladdaydu kama gaabinayso doorkeeda. Waxa naga go’an inaanu dhinacayaga ka soo baxno masuuliyaddii na saarnayd, kalsoonina u muujino qaadhaan-bixiyeyaasha aanu hawl-wadaagta nahay, iyada oo la fulinayo dib-u-habaynta waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee dhinacyada Cadaaladda, maaliyadda iyo maamulka hay’adaha dawladeed si loo gaadho Dawlad Wanaag, la xisaabtan iyo hufnaan. Waxaanu ku kalsoonnahay inaad idinku sidoo kale ka soo bixi doontaan masuuliyadda aad iska saarteen inaad nagala shaqaysaan kobcinta Horumarkayaga.

Shaki igagagma jiro inaynu wada-jirkeenna ku guulaysan karo dhismaha mustaqbal  u wanaagsan dadkeenna.”

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories