HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddiisa ka dhex Xushay Guddi Farsamo oo Qaban-qaabiya wada-hadal...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddiisa ka dhex Xushay Guddi Farsamo oo Qaban-qaabiya wada-hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddi Farsamo ka kooban xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada u magacaabay inay ka hawl-galaan qaban-qaabada wada-hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, waxa uu tallaabada magacaabista Guddigan ugu dhaqaaqay si uu u xaqiijiyo inay Somaliland fuliso Go’aamada Shirkii London ee 23 Bishii February carriga Ingiriiska lagu qabtay, waxaanay guddigani ka qayb-gali doonaan kulan gogo-xaadh ah oo labada dhinac dhawaan ku dhex mari doonaa magaalada London.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Febraury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:-

1.     Wasiirka Arrimaha DebedaDr Maxamed Cabdilaahi Cumar

2.     Wasiirka Arrimaha GudahaMaxamed Nuur Caraale (Duur)

3.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo GaadiidkaAxmed Cabdi Xaabsade

4.     Wasiirka Cadaalada iyo GarsoorkaXuseen Axmed Caydiid iyo

5.     Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha  oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.”

Wada-hadalka dhexmaraya Somaliland iyo Somalia ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey hadal-heyntiisu ku badneyd Bulshada iyo masraxa saxaafadda Somaliland ka dib markii go’aankani ka mid noqday go’aamadii ka soo baxay Shirkii London si laysu horfadhiisiyo Somaliland iyo Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories