HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

news1Ujeedo:  Xil-ka Qaadis

Ku: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

 

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Magacaabid

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                      Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                              Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                      In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:                         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                             In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories