HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Masuuliyiin u xidhan Eedo Musuq-maasuq

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Masuuliyiin u xidhan Eedo Musuq-maasuq

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Maroodijeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenk Md. Cismaan Siciid Jaamac, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in xilka ay banneeyeen saddexda masuul ay sii hayaan masuuliyiinta hay’adaha ay ka tirsan yihiin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxooyda ee xilka lagaga qaaday masuuliyiinta ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne  oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

1.  Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona.

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

Digreetada madaxweynuhu xilka kaga qaaday saddexda masuul ayaa ka dambaysay ka dib markii lagu eedeeyey inay musuqeen raashin mucaawimo ah oo loogu talo-galay dadka danyarta ah ee magaalada Hargeysa, taasina waxay sababtay in saddexdan masuul ay ciidamada dambi-baadhistu xabsiga u taxaabaan isla markaana xilka laga qaado iyaga oo weli xabsiga ku jira.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories