HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Maareeyayaashii Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Maareeyayaashii Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, beddelkoodana magacaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md Maxamed Daahir Axmed iyo Md C/waaxid C/qaadir, waxaanu magacaabay masuuliyiin cusub oo beddel u noqonaya masuuliyiintaas xilka laga qaaday.

Warsaxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1574/022013             ku magacaabay laba maareeyo oo kala ah:-

1.Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL

2.Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

MADAXWEYNAHA:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda  Horumarinta Wadooyinku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency) iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:        In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, waxaanay Hay’addu hoos iman doonta Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL.

2. In Prof. Xasan Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

Xilka Qaadis

Halka uu madaxweynuhu Xilalkii ay hayeen kaga qaaday Maareeyihii hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, Mudane, Maxamed Daahir Axmed iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL, C/waaxid C/qaadir, masuuliyiintaasi  Oo uu madaxweynuhu uga mahad celiyey Mudadii ay xilkan soo hayeen, balse ay Xilka qaranka Dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories