HomeMadaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Mareeyihii Wakaaladda Waddooyinka iyo magaca Masuul...

Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Mareeyihii Wakaaladda Waddooyinka iyo magaca Masuul Cusub oo lagu beddelay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siilaanyo-777Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii uu ka hayay ka qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md Xasan Cali Cismaan, waxaanu beddelkiisa u magacaabay xilka hay’addaas masuul cusub oo lagu magacaabo Ibraahim Siciid Cilmi oo noqonaya Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyina Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Xasan Cali Cismaan,
Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL
Mudane,
Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories