HomeMadaxweyne Siilaanyo oo xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha gobolka...

Madaxweyne Siilaanyo oo xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha gobolka Dalka, masuuliyiin cusubna u magaaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 10 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilalkii Guddoomiye-nimo ka qaaday Saddex ka mid ah badhasaabbada gobollada dalka iyo Badhasaab ku-xigeen isla markaana qaar u cusub u magacaabay.

blankMasuuliyiintan gobollada ee uu madaxweynuhu xilka ka qaaday oo hayey maamullada gobollada ugu miisaanka culus Somaliland ayaa kala ah Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, Guddoomiyihii Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Guddoomiyihii Gobolka Gabiley Cali Aaden Meecaad iyo Guddoomiye-xigeenka gobolka Togdheer Cabdi Daahir Xasan, waxaanu isla markaa ku beddelay masuliyiin cusub oo la faray inay si dhakhso leh xilka ula wareegaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada isla markaana lagu shaaciyey go’aanka xil-ka-qaadista masuuliyiinta gobollada ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Digreetooyin Madaxweyne xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer, Gabiley iyo badhasaabku xigeenkii Gobolka Togdheer

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo buuxinaya jagooyinka ay baneeyeen masuuliyiintaa hore.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:              Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:        Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:    In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka  Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer;

Markuu La Tashaday:    Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu ku Qancay:        Inay  buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan;

Wuxuu go’aansaday

1.         In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee JSL.

2.      In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL.

3.      In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL.

4.      In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL.

 Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:-

1.         Mudane, Cali Aaden Meecaad   –   Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley

2.      Mudane, Cali Cabdi Hurre –   Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

3.      Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi  –    Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer

4.      Mudane, Cabdi Daahir Xasan  –   Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii  ay xilalkaas u soo hayeen qaranka, Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan.

Guddoomiye-yaasha gobollada ee xilka laga qaaday ayuu dhammaantood madaxweyne Siilaanyo Xilka u magacaabay marka laga reebo guddoomiyaha gobolka Sanaag oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadhsanayd maamulkii Daahir Rayaale ee xukunka lagaga guulaystay

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories