HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray digreetooyin xambaarsan Xil-ka-qaadis, isku-beddel iyo magacaabis qaar ka tirsan badhasaabbada Gobollada dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska afhayeenka madax-tooyada oo lagu shaaciyey digreetooyinka Md Siilaanyo, waxa uu madaxweynuhu xilalka ka qaaday Guddoomiyeyaashii Gobollada Sool, Saraar iyo Guddoomiye ku-xigeennadii gobollada Saaxil iyo Togdheer.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Awdal u magacaabay Guddoomiyihi gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), kaddib markii sida lagu sheegay digreetada madaxweyaha, uu is-casilay guddoomiyihii gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, kaas oo madaxweynuhu ka aqbalay go’aankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay inuu noqdo Axmed Cabdi Falay, Guddoomiyaha Gobolka Sool-na waxa uu u magacaabay inuu noqdo Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), kaddib markii uu madaxweynuhu xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolkaas Maxamed Faarax Aadan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu Guddoomiyaha Gobolka Saraar u magacaabay Cali Maxamed Faarax, kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolkaas Axmed Cali Nuur.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Guddoomiye ku-xigeennadii Gobollada Saaxil iyo Togdheer, Khadar Cali Cilmi iyo Maxamed Maxamuud Yuusuf, waxaanu beddelkooda u magacaabay in Xaamud Xuseen Cabdilaahi uu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee gobolka Saaxil, halka

Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) uu u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Cusub ee gobolka Togdheer.

Digreetooyinka uu madaxweynuhu xilalka ka qaaday iyo kuwa uu masuuliyiinta cusub beddelkooda ugu magacaabay oo lagu war-geliyey Wasaaradda Arrimaha Guduhu, waxa uu madaxweynuhu Wasiirka Daakhiliga faray inuu sida ugu dhakhsaha badan xilalka ugu kala wareejiyo Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada uu xilalka u magacaabay iyo kuwa uu ka qaaday.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories