HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis sameeyey (WAR-SAXAAFADEED)

Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis sameeyey (WAR-SAXAAFADEED)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne_Siilaanyo2013Hargeysa (Slpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4621/032017 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halka uu xilkii uu qaranka u hayeyna ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi.    

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Badhan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Xuseen Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahamiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ku:    Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi,

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda    

Og:      Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda                                         

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan farayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories