HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Cusub ku Sameeyey masuuliyiinta Xukuumadda Qaarkood

Madaxweyne Siilaanyo oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Cusub ku Sameeyey masuuliyiinta Xukuumadda Qaarkood

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii iyo ku-xigeenkii gobolka Daad-madheedh, waxaanu u magacaabay masuuliyiin Cusub.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo lagu shaaciyey digreeto madaxweynuhu xilalka kaga qaaday guddoomihii gobolka Daad-madheedh Jamaal Cabdi Hurre iyo ku-xigeenkiisii Faarax Cabdi Xasan, waxaanu beddelkooda u magacaabay in Cali Cawil Cabdi uu noqdo badhasaabkii gobolkaDaad-madheedh halka guddoomiye ku-xigeennada uu u magacaabay inuu noqdo Maxamuud Cali Axmed.

Warsaxaafadeedka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagadan,

Markuu La Tashaday:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

  1.       Ku:      Mudane, Jamaal Xuseen Hurre

            Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh   

  1.       Ku:      Mudane, Faarax Cabdi Xasan

            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh     

Mudanayaal,

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories