HomeMadaxweyne Siilaanyo oo xeer ku Aasaasay Dhismaha Hay’ad Nooceedu ku cusub tahay...

Madaxweyne Siilaanyo oo xeer ku Aasaasay Dhismaha Hay’ad Nooceedu ku cusub tahay xukuumaddiisa iyo Magacyada Masuuliyiin uu u magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku shaaciyey Xeer-madaxweyne oo uu ku dhaqan-geliyey abuuritaanka hay’ad dawladeed oo ku cusub xukuumaddiisa, taas oo noqonaysa Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka.

Dhaqan-galka xeerka madaxweynuhu ku abuuray Wakaaladdan oo shaqo ahaan hoos-imanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah, waxa uu madaxweynuhu ku magacaabay laba masuul oo xilalka hay’addaas isaga hooseeya, kuwaas oo kala ah maareeye iyo maareeye ku-xigeen.

Xeerkan madaxweyne oo lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4859/062017 uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka.

 

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015;

Markuu Arkay:                     In khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalku kaalin mug leh ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha dalka;

Markuu Garwaaqsaday:  In ay waajib tahay in Xukuumaddu kaalin weyn ka qaadato daryeelka iyo horumarinta khayraadka xabkaha iyo faleenka, si looga badbaadiyo saamaynta ay ku keeni karto isbeddelada dabiiciga ah ee cimillada iyo abaaruhu;

Markuu Garwaaqsaday: In ay Xukuumaddu hormuud ka tahay dhiiri-gelinta iyo horumarinta iskaashatooyinka wax soo saarka iyo ka ganacsiga xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado dhaqaalaha bulshada;

Markuu Xaqiiqsaday:       In loo baahan yahay in la abuuro fursadaha suuq-geynta xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Hubsaday:            In Qaranku u baahan-yahay hay’ad dawladeed oo si gaar ah ugu xil-saaran horumarinta iyo ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Si Xeel Dheer: Ula tashaday dadweynaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu aasaasayo Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 1aad

Dhismaha Wakaaladda

  • Waxa halkan lagu Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka oo yeelanaysa jiritaan qaanuuni ah, isla markaana u madax-bannaan hawleheeda shaqo iyo maaliyadeed, iyada oo u gudanaysa xilkeeda si waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo siyaasadaha dalka.
  • Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenku waxay hoos tagi doontaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah oo ku yeelan doonta awoodaha ay ka mid yihiin:

 

  1. Kormeerka iyo dabagalka sida: Helidda war-bixinnada shaqada, maaliyadda, iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska sannad-miisaaniyadeedka Wakaaladda, ka dib marka ay masuuliyiinta Wakaaladdu u soo gudbiso.
  2. Ka taakulaynta Wakaaladda diyaarinta qorshayaasha, siyaasadaha iyo kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta hawl-wadeennada Wakaaladda.

 

Qodobka 2aad

Xilka iyo Waajibaadka Wakaaladda

 

Xilka iyo waajibaadka Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka waxa ka mid ah:

  • Dhaqan-gelinta siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda ee lagu horumarinayo khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka.
  • Dejinta qorshayaasha iyo halbeegyada shaqo ee Wakaaladda, si waafaqsan qorshaha iyo barnaamijyada guud ee Xukuumadda.
  • Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhis lagama maarmaan u ah horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalka, iyada oo loo eegayo horumarinta xaga wax soo saarka, ka ganacsiga iyo suuq-gaynta.
  • Ku dhiiri-gelinta beeralayda iyo iskaashatooyinka wax soo saarka iyo horumarinta xabkaha iyo faleenka oo ku dhisan nidaam casriyeysan.
  • Dhismaha iyo abaabulka iskaashatooyinka ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka.
  • Ka hawl-gelidda iyo abuuridda suuqyada ganacsiga xabkaha iyo faleenka ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
  • Diyaarinta iyo u soo bandhigidda Xukuumadda qorshayaasha horumarinta ganacsiga xabkaha iyo faleenka dalka.
  • Diyaarinta iyo fulinta tallaabo kasta oo kale oo looga gol-leeyahay xaqiijinta ka faa’iidaysiga xabkaha, si loo hir-geliyo loona gaadho hiigsiga Xukuumadda ee koboca dhaqaalaha dalka.
  • Fulinta hawlaha kale ee Xeerka Dhismaha Wakaaladda iyo Xeerarka kale ee khuseeya ee awoodda siinaya Wakaaladda.

 

Qodobka 3aad

Maamulka iyo Qaab-dhismeedka

 

  • Wakaaladdu waxay yeelanaysaa Maareeye iyo Maareeye Ku-xigeen uu magacaabo Madaxweynuhu, ka dib marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
  • Qaab-dhismeedka iyo Awoodaha Wakaaladda, Xilka iyo Waajibaadka Maareeyaha, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxa lagu faah-faahin doonaa Xeerka Dhismaha Wakaaladda, si waafaqsan Qodobka 122aad ee Dastuurka iyo Qodobbada 64aad illaa 68aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015.

Magacaabidda Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka

  • Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenku ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Caray), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Axmed Maxamed Xasan (Baradho), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna

Ku simaha Af-hayeenka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories