HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Kulmiye Bookhday, Qaatayna Kaadhka Golaha Dhexe

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Kulmiye Bookhday, Qaatayna Kaadhka Golaha Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo ayaa saaka bookhday xarunta xisbiga kulmiye ee Hargeysa, halkaasi oo uu u tagay is diwaangalinta iyo qaadashada kaadhka shirka golaha dhexe ee 10 bisha dambe loo qoondeeyay.
Siilaanyo Kulmiye 2

Siilaanyo Kulmiye 5 Siilaanyo Kulmiye 6

 

Ugu Horay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madaxweynaha halkaa ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu yidhi  “madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa,  adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer  aad  wada fadhideena  xusuus gaarabay  u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay  maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu  iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

 

Muuse Biixi Cabdi, gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo isaguna ku soo dhawaynta madaxweynaha ee xafiiska Kulmiye ka ayaa waxa uu hortiisa ka sheegay in aannu madaxweynuhu isaga garabka saarin, sida ay ku dacwoodeen xubnaha is casillay. Gudoomiyaha waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan  ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo madaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.

Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa  howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay  inaanu kala fadhiisano.”

 

Ugu dambayn madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,”

 

Siilaanyo Kulmiye 4 Siilaanyo Kulmiye 3

 

Madaxweynaha ayaa sawirka qaadashada kaadhka ka galay  goobta kaadhadhka laga bixinaayo ee xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waana markii ugu horaysay ee Siilaanyo booqdo xarunta xisbiga Kulmiye tan iyo intii khilaafaadka xisbigu bilaabmay.Siilaanyo Kulmiye 1

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories