HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xalay u hoyda Degmo Marti-gelinteeda ay ugu dambaysay 25...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay u hoyda Degmo Marti-gelinteeda ay ugu dambaysay 25 sanno ka hor iyo Soo-laabashadiisa maanta ee Caasimadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Baligubadle (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey oo xalay u dhaxay Gobolka Hawd Magaalo madaxdiisa Baligubadle, ayaa saaka waxa uu kulamo la yeeshay Odayaasha, Dhaqanka Masuuliyiinta, iyo Qaybaha Bulshada ee Gobolka Hawd.

Kulamadaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu gaadhay Khayriyada oo ay ku sugnaayeen boqolaal ka mid ah bulshada Reer Baligubadle oo halkaasi madaxweynaha si layaab leh ugu soo dhaweeyey isaga oo madaxweynuhu bulshada tirada badan ee isu soo baxay dhex-lugeeyey ilaa goobtii uu kahadlaayey oo ay taxnaayeen soo dhaweeyayaashii gobolku.

Madaxweynaha oo halkaasi kala hadlay bulshada qaybeheeda kala duwan waxa uu madaxweynuhu ka dib u dhaqaaqay goobo kala duwan oo qaarna xadhiga laga jaray kuwo kalena uu ku dhagax-dhigay sida Maxkamada Degmada oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, Wasaarada Beeraha oo iyana uu madaxweynuhu dhagax dhigay qaybteeda Baligubadle loo dhisi doono, Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay Dayr weyn oo lagu wareejin doono saldhiga Baligubadle, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kastamka Cashuuraha ee Gobolka hawd oo dhismihiisa markii ugu horay laga taago Baligubadle.

Socdaalka madaxweynuhu ku maray  Magaalada Baligubadle ee uu xalay u hoyday oo taariikh miisaan leh ku leh Halgankii dalka lagu soo xoreeyey, ayaa noqonaysa markii ugu horreysay muddo 25 sanno ah ee madaxweynuhu marti u noqdo magaaladaas, wixii ka dambeeyey halkgankii Ururka SNM ee Guddoomiyaha ka noqday ugu dagaalamayeen xoreynta dalka.

Weftiga Madaxweynaha oo beryahanba socdaalo ku marayay gobollada bari ayaa ka hor intii aanay soo gaadhin Baligubadle soo maray Gobolka Daad-madheedh, halkaasoo uu dhagax-dhigay mashaariic kala duwan, halka kuwo laga hirgeliyayna uu xadhiga ka jaray. Guriga Martida Oodweyne oo cusub ayuu furay Madaxweynuhu, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray dhismaha Xarunta Gobolka oo golaha degaanku ugu talogaleen inuu xafiisyo u noqdo gobolka. Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhagax-dhigay Jeel loo dhisayo Gobolka Daad-madheedh iyo Xarun cusub oo loogu talogalay Laanta Baanka Dhexe ee gobolkaas.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maanta abbaaro 2-dii duhurnimo ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa oo uu mudoo 6 caano maal ah kaga maqnaa hawlo shaqo oo baad leh oo uu isugu soo maray 4 Gobol oo kala ah Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh iyo Baligubadle oo ugu danbeeyey isaga oo madaxweynuhu ku maraayey goboladaasi baabuurtiisa khaaska ah ee madaxweynaha isaga iyo weftigiisuba halkaas oo uu maaxweynuhu ugu kuurgaleeyey baahiyaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin gobolada dalka qaar ka mid ah isaga oo madaxweynuhu goboladaasi ka soo fuliyey mashaariic aad u tiro badan oo ay u riyaaqeen dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Goboladaasiba.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories