HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socda Midowga Yurub

Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socda Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta booqasho shaqo ku yimid caasimada dalka ee Hargaysa,isla markaana kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

blank
Madaxweyne Siilaanyo

Waxaa weftiga ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal International Airpote ee caasimada hargaysa Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland .

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone  iyo weftigiisu waxay kulan la qaateen Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland iyagoo ka wada hadlay doorka uu Midowga Yurub ka qaato kobcinta hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland iyo sidii ay u xoojin lahaayeen Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka fulinayaan.

Michele Cervone ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisii kowaad ku yimaado Somaliland isagoo laga soo bedelay sida uu xusay Wadanka Yemen,waxaanu intaas ku daray inuu kor u sii qaadi doono xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa warbaahinta u sheegay inay ka wada hadleen Ergaygan iyo Weftigiisa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii ay u libin laabi lahaayeen kaalmada dhaqaale ee ay ku caawiyaan hanaanka doorashooyinka dimuquraadiga ah ee Somaliland ka hirgalay,waxa uu gudoomiyuhu Xusay inuu Ergaygu u cadeeyay, in lacag dhan Konton Milyan oo Yuuroo ah,ay Midowga Yurub kaga fulin doonaan Somaliland Mashaariicda la xidhiidha Kaabayaasha Nolosha sida Caafimaadka, Wadooyinka,Biyaha iyo wixii la mid ah, isagoo intaas ku daray inay ka codsadeen sidii caawimadaas intaas looga sii kordhin lahaa.

Dhinaca kale Weftigan uu hogaaminayo Ergayga Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ambassador Michele Cervone Waxaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

SomalilandPost News

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories