HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga uga jaray Wado laami ah oo isku xidhaysa Madaarka Berbera ilaa Faras-magaalaha, Jid afar haad ah oo laga hirgaliyay dekeda Magaalada Berbera  iyo Garoonka Kubada Cagta oo dhismihiisa la dhamaystiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay Weheliyaan Wasiirada Madaxtooyada,Arrimaha Gudaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wershadaha,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa saaka subax u ambo baxay Magaalada Berbera.

blankWeftiga madaxweynaha ayaa intii uu jidka ku sii jiray si diirran loogu soo dhaweeyey dhamaanba Magaalooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Caasimada Hargaysa iyo Berbera, iyadoo Xuduuda labada Gobol ee Saaxil iyo Maroodi jeex ay kaga hor yimaadeen Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera.

blankMadaxweynaha Iyo Weftigiisu waxay kula kulmeen Jidka isku Xidha Dacar budhuq iyo Berbera gaadhi ku qalibmay oo siday Xoolo laga dhoofinayay dekeda magaalada berbera,iyadoo ciidamada amaanka ee Madaxweynaha la socday ay qaadeen Laba ruux oo shilka gaadhigaasi ku dhaawacmay,kuwaas oo lagu soo dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera

blankMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa u xadhiga ka jaray Wado Laami ah oo isku xidhaysa Madaarka iyo Magaalada Berbera, Waxaana Markaas kadib uu Madaxweynuhu ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu furayay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Berbera,oo ay dawlada hoose hirgalisay isla markaana loogu talo galay inay ka qabsoomaaan Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada dalka.

blankWaxaana Madashaasi hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Saleebaan Ramaax,Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismaha Garoonkani,waxaanay Xuseen in Garoonkan ay u dhamaystiran yihiin waxyaabaha laga rabo inuu garoon weyn oo kubadeed yeesho.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay la socdeen hirgalinta Garoonkan isla markaana uu ku faraxsan yahay dhamaystirkiisa.

blankWaxaa kale oo Munaasibadaas hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo sheegay in horumarku ka bilaabmo iskaashi midaysan oo lala yimaado waxaanu hambalyo u diray Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka degmada Berbera oo ee hirgaliyay Garoonkan ,waxaanu xusay inuu  ka qayb qaadan doono horumarka uu Gobolka Saaxil ku talaabsaday ,Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu soo jeediyay in Garoonkan loo bixiyo Maayar Cabdala sida ay soo codsadeen ayuu yidhi Mas’uuliyiin kala duwan.

blankWaxa uu Madaxweynuhu Shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Duqa Degmada Berbera,Maareeyaha Dekeda Berbera, iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera.

Geesta kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xadhiga ka jaray Wado Afar haad ah isla markaana uu dhererkeedu dhan yahay Afar Kilo Mitir oo Maamulka Dekeda berbera hirgaliyay isla markaana ay ugu talo galeen inay maraan Gaadiidka Xamuulka ka qaada Dekeda.

SOMALILANDPOST.NET/Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories