HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka Jaray Jid Cusub oo laga Hirgeliyey Degmada...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka Jaray Jid Cusub oo laga Hirgeliyey Degmada Gacan-Libaax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray waddo laami ah oo isku xidhaysa Xaafadaha Daami, Sh Nuur ilaa Suuqa Dhexe ee Degmada Gacan-Libaax ee Caasimadda Hargaysa oo ay iska kaashadeen shacbiga Xaafadahaas iyo Dawladda Hoose.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu dhagax-dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga dhisi doono Xaafadda Daami. Munaasabad kooban oo ka dhacday goobta laga dhisi doono saldhiga Booliska ayaa waxaa ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo sheegay in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyey ee soo booqda xaafadda Daami, laamida maanta xadhiga laga jarayna uu yahay wadadii uu horaysay ee Laami ah ee xaafaddaas laga hirgeliyo.

xadhig-ka-jarisMd Barkhad waxa kale oo uu uga mahadnaqay shirkadda ganacsiga guud ee Al-Nuur oo ah shirkadda bixinaysa dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha saldhiga cusub ee xaafadda Daami, waxuuna intaa raaciyey in cabashadii xaafadda Daami ka jirtay ay halkaa ku soo gebagebowday ballanqaadadii xisbiga Kulmiyena u qaaday xaafaduna ay kuwaa ahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisa xaafadda Daami ay ku wehelinayeen Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada iyo Taliyayaasha sare ee ciidamada Booliska iyo Asluubta, ayaa kulan la yeeshay dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee caasimadda hargaysa, waxaana halkaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmadaasi Saleebaan samatar Ibraahin iyo afhayeenka gudida horumarinta degmada Gacan Libaax, Maxamed Muuse Habbane.

jidkaMadaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey Dadweynaha xaafadda Sh Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu farxay sida ay dadweynaha xaafaddu isu abaabuleen ugana shaqeeyeen danta Guud, halka sidoo kalena Madaxweynuhu sheegay in dhamaystirka waddadani ay waxtar weyn u tahay xaafadda Sh Nuur iyo caasimadda Hargaysa.

Madaxweynaha iyo MaayarkaMadaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday in Xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay gacan buuxda la dhinac joogsanayso dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee go’aansaday inay danahooda horumariyaan, waxuuna madaxweynahu munaasabadaasi si weyn ugu mahadceliyey Mayorkii iyo maamulkii hore ee Dawladda Hoose ee Hargeysa sida ay guud ahaan xilka isaga saareen horumarinta waddoyinka caasimadda.

Somalilandpost.net

C/wahab Guuleed

Hargeysa/Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories