HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Maal-gashigii ugu ballaadhnaa Somaliland oo ay...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Maal-gashigii ugu ballaadhnaa Somaliland oo ay hirgelisay Shirkadda Waddaniga ah ee SBI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay warshadda Somaliland Beverage Industry (SBI) oo ah tii u weynayd ee Coca-ha iyo sharaabka kale soo saarta oo laga hirgeliyay Somaliland, waxaana laga furay deegaanka Jaleelo oo ku taalla waqooyiga Hargeysa, taasi oo uu maal-gashaday Muwaadin Axmed Cismaan Geelle.

blankWarshadan oo maalintii soo saaraysa 18 kun oo kees oo sharaabka noocyadiisa kala duwan ah, waxa ku baxay hirgelinteedda lacag lagu qadaray 17 Milyan oo Dollar.

Xafladdii loo sameeyay furitaanka warshadan oo lagu qabtay xarunta warshadda SBI, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, Xisbiyadda qaranka, ururadda siyaasadda Somaliland, Ganacsato, Wasiiro iyo masuuliyiin ka socday dalka Somaliland la dariska ah ee Jabuuti iyo madaxa shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika Mr. Nathan Kalumbu, salaadiin iyo marti-sharaf aad u badan oo kun qof kor u dhaafay.

blankGuddoomiyaha ahna Mulkiilaha shirkadda SBI Mr. Axmed Cismaan Geelle oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qeyb galay xafladaasi, waxaanu sheegay in dhsimaha warshadan uu ku riyoonayay hirgelinteedda muddo 28 sanadood ah, waxaanu tilmaamay inuu u mahad celinayo dadkii kala soo shaqeeyay marxaladihii uu u soo maray wershadaasi, waxaanu xusay in ALLE ha u naxariistee Aabihii Cismaan Geelle Faarax uu wax ku lahaa intii aanu xijaaban fikirkii wershadaasi.

blankAxmed Cismaan wuxuu sheegay inay warshadani ay liisan ka qaadatay shirkadda Coca-cola adduunka sanadkii 2008-dii,waxaanu tilmaamay in sharaabkoodu uu waafaqsan yahay heerkii (Standard) caalamiga ahaa, waxaanu u mahad celiyay shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika oo uu carabka ku dhuftay inuu iskaashi balaadhani ka dhaxeeyo.

blankGuddoomiyuhu wuxuu sheegay in 15- milyan oo Dollar lagu maal-geliyay warshadan taasi oo ay iska kaashadeen Somaliland Beverage Industry (SBI) iyo Shirkadda Coca-cola, oo ay ka go’an tahay inay qaaradda AFrika ku maal-geliso $12 Bilyan oo dollar sanadaha 2010 illaa 2020-ka.

blank“Waxaan jecelahay Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu dhisaynay warshadan taageero balaadhan nala garab taagnaa, waxa kale oo aanan marnaba iloobi Karin oo aan si weyn ugu mahad celinayaa odayaasha deegaanka Jaleelo oo nala soo kifaaxay maanta midhaheedii nala guranaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda SBI.

blankAxmed Cismaan, isaga oo dadweynaha ugu baaqay inay shirkadan taageeraan si loo dhiiri geliyo wax-soosaarka wadaniga isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan dadweynaha Somaliland oo aanu u mahad celinayno aanu ugu baaqaynaa inay nala shaqeeyaan oo ay na taageeraan si loo dhiirigeliyo wax-soosaarka wadaniga ah.

blankMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka warshadan oo uu xusay inay ka weyn tahay aragtidii uu markii hore ka haystay.

blank
Muwaadin Axmed Cismaan Geelle

“Waxaan marka u horeysa halkan hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa shirkadda Coca-cola-ha ee SBI ee aynu halkan maanta wax bandanna ka maqalay wax bandanna ka dhegaysanay, waxaynu indhaheena ku aragnay warshaddan iyo waxa ka dhisan oo runtii ahaa wax aad iyo aad loola yaabo oo aad loogu farxo ahaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

blank
Stella Kiguttu - Ng'anga'

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan hambalyo iyo ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo shirkadiisaba. Runtii wxii aan halkan ku arkay may ahayn wax aan filayay waa runtii wax aad uga balaadhan wixii aan filayay. Waa wax ay Somaliland ku faani karto waxyaabaha ay dalka ku soo kordhiyeen. Waxa kale oo ka sii weyn warshadan ay fureen waxaynu ka sii baran karno, siday dunidda inoogu xidhi karto iyo shaqooyinka ay abuurayso.”

blankMadaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay dhiiri-gelinayso cid allaalle iyo cidii maal-gashanaysa dalka.

 “Anagu haddii aanu dawladda nahay waxaanu diyaar u nahay wax allaale iyo wixii dhiiri-gelinaya samaynta warshada noocan oo kale ah ee u faa’iidaynaya ee shaqo u abuuraya oo dalka horumarkiisa gacan ka geysanaya diyaar ayaanu u nahay inaanu dhinac walba ka caawino oo wixii aanu la qaban karnaba la qaban karo. Waanu ku dhiiri-gelinaynaa Inshaalaahu tacaalaa. Waxaanan mar kale leeyahay hambalyo hambayo. Weftiga reer Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ee marti-qaadka noogu yimidna waxaanu leenahay soo dhawaadda waa dalkiinii iyo dadkiinii ayaanu leenahay,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

blankWaxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, waxaanu bogaadiyay mulkiileyaasha shirkadan oo uu ku sifeeyay qaar maal-gashi balaadhan dalka geliyay. Waxaanu balan-qaaday inay wasaarad ahaan ay dhiirigelinayaan isla markaana wixii tasiilaad ah u fududayn doonaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa shirkadda Coca-Cola ee Bariga iyo badhtamaha Afrika Nathan Kalumbu iyo sarkaal sare oo ka socday shirkadda Coca-cola ee adduunka, waxaanay ka warameen marxaladihii uu soo maray iskaashiga ka dhaxeeya shirkadooda iyo shirkadda SBI, waxaanay xuseen inay ku faraxsan yihiin inay iskaashi ganacsi la wadaagaan shirkadda SBI ee Somaliland.

blankWaxa halkaasi lagu soo bandhigay filim kooban oo dukumantari ah oo tafaasiil ka bixinayay maraaxilkii ay soo martay dhidib u taagii warshadan la furay ee Somaliland Beverage Industry (SBI) oo ku guulaysatay inay dalka ka hirgeliso wershadii u weynayd ee sharaabka soo saarta oo tayadiisu gaadhsiisan tahay heerkii la rabay.

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories