HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha Wejiga koowaad ee Waddada Cad...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha Wejiga koowaad ee Waddada Cad (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Toon (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhigga ka jaray Wejiga Koowaad ee waddada isku xidha Magaalada Sallaxley iyo caasimadda Hargaysa taas oo 13 KM oo ka mid ah Laami laga dhigay inta kalena loo ballamay dhamaystirkeeda.

blankblankMadaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano labada gole ka tirsan, Salaadiin iyo dadweyne kala duwan, ayaa ka qayb-galay munaasibad xadhigga laga jaray oo lagu qabtay duleedka tuulada Too nee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

blankblankWaxaa ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida dhismaha Wadada Cad Mr Cali Ibrahim Maxamed waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wadadani oo la dhisay wakhtigii gumaysiga isla markaana ay burburtay dayac tir la’aan soo wajahday awgeed ,Waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegay in dhismaha Wadadan ay ku baxday Adduun dhan Todoba Boqol oo Kun oo dollar, oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda deegaanka salaxlay.

blankblankMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Madashii Xadhig ka jarista Wadada Cad ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi,isagoo Intaas ku daray in arrintani Muujinayso Iskaashiga ay bulshadu samayso inuu lagu gaadhi karo horumarka aynu qaran ahaan higsanayno .

blankblankShirkadda isgaadhsiinta Telesom ayaa munaasabadaasi kaga dhawaaqday adduun lacageed oo gaadhaya Soddon kun oo Doolar oo ay ugu deeqday dhismaha wadadaasi, halka sidoo kalena Shirkadda Ganacsiga ee Al-Nuur ay waddadaasi dhamaystirkeeda ugu deeqday Konton Fuusto oo Daammur ah.

blankMas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xuseen Muxumud Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Xaaji cabdikariin Xuseen (X. Cabdi waraabe) iyo salaadiin kala duwan waxana ay dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay leedahay waddadan isku xidhaysa Degmada Sallaxley iyo Caasimadda  Hargaysa.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories