HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha 5-KM oo ka mid ah...

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Dhismaha 5-KM oo ka mid ah Waddada CAD, ballan-qaadna u sameeyey bulshada deegaanka SALLAXLEY (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray 5KM oo ka mid ah waddo dhismaheedu socdo oo Caasimadda Hargeysa ku xidhaysa degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

Dhismaha Waddada CAD oo ay iska kaashadeen bulshada degmada Sallaxley iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa immika la dhammaystiray 28 KM marka lagu daro 5-ta KM ee madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray.

DSC_0180Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihin Maxamed Iid Dhinbiil La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Dheeg oo ka mida golaha Guurtida, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Warancade, Wasiirka Gashaandhiga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Warfaafinta, dhqanka iyo wacyigelinta Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa deegaanka dhismaha waddadadu ka socoto si weyn ugu qaabiley dadweyne tiro badan oo ku sugnaa xaflad goobta dhismuhu ka socdo loogu qabtay xadhig-ka-jarista 5-ta KM ee dhammaystiray.

Waxa munaasibadda ka hadlay masuuliyiinta degmada, Madax-dhaqameed, qurbejoog deegaanka u dhashay, Guddiga gacanta ku haysa Dhismaha Waddada Cad, Masuuliyiinta Dawladda, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday qiimaha iskaashiga dadweynaha iyo maamulku u leedahay horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, waxa uu dadweynaha reer Sallaxley uga mahad-celiyey soo-dhawaynta ay weftigiisa ku qaabileen, xukuumad ahaanna ay farxad u tahay inay bulshada deegaanka kala qayb-galaan dhismaha Waddada Cad oo halbowle u ah isu-socodka iyo isku-xidhnaanshiyaha degmada Sallaxley iyo Caasimadda Hargeysa.

“Waxa farxad inoo ah inaanu maanta ka wada-hawl-galayno oo ka wada-qayb-galayno, dhismaheeda iyo horumarkeeda xilbaa naga saaran, dawladdii Qarankaanu nahay, xil baa na saaran, wixii dalka horumarkiisa ah ee waddooyinka iyo wixii shacbigu ku darsanayaba inaanu ka caawino oo gacan ka siinno, waajib iyo xil na saaran weeyi, waajibkaasna si buuxda ayaanu uga soo baxaynaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

DAAWO SAWIRRO

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories