HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyska Iyo Ehelada Agaasimihii Guud Ee...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyska Iyo Ehelada Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday 29,08, 2016 Magaalada Hargeysa, Marxuumka oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa markii uu shaqada ka baxay maanta oo Isniin ah waxa wadnaha kaga soo booday xanuun degdega kaasoo sabab u noqday geerida marxuumka.

 

Madaxweyne_Siilaanyo2013-509x264

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada Somaliland ku dhaqan,  mudadii uu xilka qaranka hayeyna ku suntanaa karti, dedaal iyo daacadnimo, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii talada dalka u kala  dambeeyey, waxanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories