HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qaraabada iyo Ehelada Afar Qof oo...

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qaraabada iyo Ehelada Afar Qof oo Isku-Qoys ah oo Shalay uu la tegay Daadka Dooxa Caloola

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi tiiraanyo leh gaadhsiiyey Ehellada, Qoyska iyo qaraabadda Afar Marxuum oo shalay ku geeriyooday Dooxda Coloola ee degmada Laasgeel oo Qaaday.

Afartan Qof Dhammaantood Qoys ka soo wada-jeeday, ayaa shalay mar ay ka soo laabteen Tacsida Marxuum Danab ku dilay magaalada Dacar-Budhuq, ayaa Dooxda Tuulada Caloola ee degmada Laasgeel ku qaaday iyaga oo saarnaa Baabuur ay wateen oo noociisu ahaa Surf.

Dhambaalka Tacsida madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamadaxweyne-siilaanyo3med Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku dhacday Dadkii Ehelka iyo xigtada isu ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee daadku ku qaaday shalay (06/05/2013 dooxa dacar-budhuq shilkaas oo ay ku geeriyoodeen:-

  1. Marxuuma Deeqa Cabdilaahi Nuur (Ilma Xaaji Daahir Cigaal Hooyadood)
  2. Marxuuma Nadiira Cali Maxamed
  3. Marxuum Sacad Cali Maxamed
  4. Marxuum Xasan Maxamed Jibriil

Oo dhamaantood ka wada geeriyooday qoys, markii uu dooxa Dacar-budhuq la tegay gaadhigii ay saarnaayeen, Marxuumiintaas oo ka soo noqday geeri ay subaxnimadii kaga qayb-galeen, nin qoyskaasi ka mid ahaa oo Danab ku dilay Deegaanka Dacar-budhuq.

Madaxweynuhu waxa uu dhamaan MARXUUMIINTAASI  ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan uu ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories