HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Soo Indha Indheeyay Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Socda

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Indha Indheeyay Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Socda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay  Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada Hargeysa.

Waxaana  Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey  qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo  Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha  Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha,  masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, qaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka  ay  yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta waxaana halkaasi  warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa kana war bixiyey  agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Caasimada hargeysa  iyo qaabka ay hawshu socoto, sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha indheeyey, Madaxweynuhu waxaa sidoo kale warbixin kooban ku siiyey  Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo sarkaal ka socday Hay”addaha UN-ka oo isna sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u socoto hawsha biyo balaadhintu.

m3(37)

m4(35) 12002928_837458206368034_8979858884538164853_n 11223497_837458266368028_928211973746752206_n 12004941_837458066368048_7531793189893268998_n

Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Hotel Mansor hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadiisa ka mid ahaa “Mudanayaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.

Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu manta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).Waxaa kaloo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.

Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, anagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories