HomeMadaxweyne Siilaanyo oo sheegay inaanu kala Caddeyn Ajandaha Shirka Wada-hadallada ee Somaliland...

Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inaanu kala Caddeyn Ajandaha Shirka Wada-hadallada ee Somaliland iyo Somalia uga Furamaya Dalka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa u amba-baxay socdaal ku tagayaan dalka Turkiga, ayaa sheegay inaanu kala-caddeyn Ajandaha Shirka wada-hadallada ee Somaliland iyo Somalia ee Dawladda Turkigu marti-gelinayso.

Madaxweynaha oo ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, waxa socdaalkiisa ku weheliya Guddoomiyeyaasha axsaabta siyaasadda ee qaranka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Arrimaha bulshadda iyo Cadaalada.

Madaxweynaha Somaliland oo waxyar ka hor intii aanay u kicitimin Turkiga qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo_Turkiga“Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, inaga siyaasadeenu waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu. Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta.

Cidda qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda inay dunida gaadhsiiso la doonayaana waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

IMG_0503Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharraxo ajandaha shirka Turkiga ayaa yidhi, “Ajandihiisa caddaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato.”

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ajiibtay marti-qaadka ay ka heleen dalka Marti-gelinaya wada hadaladan ay yeelanayaan Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanay ku dooday in kulankani si fool-ka-fool ah u dhex-mari doono labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

IMG_0581Shirkan ayaa dabo socda laba shir oo ka horeeyay oo kal-hore lagu kala qabtay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta oo lagu saxeexay heshiis ka koobnaa lix qodob oo dulucdiisu ahayd in la sii ambo-qaado wada hadalada labada geesood u bilowday iyo inay ka shaqeeyaan masaalixda mandaqada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories