HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka u jeediyey Khudbad Dhinacyo Kala duwan ka hadlaysa...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka u jeediyey Khudbad Dhinacyo Kala duwan ka hadlaysa oo Quluubtooda Hanatay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah u jeediyey shacbigii isugu soo baxay beerta xoriyada ayaa yidhi “Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Beerta Xorriyada Hargeysa,   waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe;

099A4199“Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in maanta oo muddo xileedkaygii, gebo-gebo ku dhaw yahay, aan hortiina imaado, isla markaana idiin jeediyo, hadallo dardaaran iyo duco ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa hubaal ah, in Xisbiga KULMIYE, uu ku guulaystay hoggaamintii talada dalka, muddadii uu dalka dawladda ka ahaa. Waxa hubaal ah, in Taageerayaashii noo codeeyey, Doorashadii 2010-kii, aanay guul-daraysan, isla markaana, aanay fartoodii dib u hiifayn.  Muddadii toddobada sanno ahayd, ee uu Kulmiye talada dalka hayey:

  • Waxa uu Kobciyey Dakhligii Dawladda iyo Dhaqaalihii Dalka.
  • Waxa uu kordhiyey Kaabayaashii Dhaqaalaha.
  • Waxa uu si weyn kor ugu qaaday Adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha bulshada.
  • Waxa uu adkeeyey amnigii qaranka.
  • Waxa uu is-laaxiyey Garsoorkii iyo Caddaaladdii, loo oomanaa.
  • Kulmiye, wuxuu urur-shay Dadkii kala irdhoobay, ee walaalaha ahaa.
  • Kulmiye, wuxuu dalka u hor-seeday horumar balaadhan iyo maalgashi caalami ah.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay, KULMIYE wuu guulaystay, qarankeenuna wuu guulaystay. Waxaan leeyahay, taageerayaashii Xisbiga kulmiye way guulaysteen, goob kasta iyo gobolkasta, oo ay joogaanba. Mar labaad, waxaan ku celinayaa, Xisbiga Kulmiye shalay wuu guulaystay, maantana insha Allah, waa guulaysan doonaa. Waxaan leeyahay, is-beddelkii codka taageerayaasha KULMIYE sababta u ahaayeen, laguma khasaarin, ee waa la mahadiyey. Waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahad-celiyo dhammaan Wax-garadkii, Aqoon-yahankii, Waayeelkii, Haweenkii iyo Hal-doorkii Dhallinyarada, ee codkoodu suurtagaliyey, in uu KULMIYE guulayso, isla markaana aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxaan ku bogaadinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, dedaalkii iyo doorkii ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, koboca dhaqaalaha, midnimada iyo wada-jirka ummadda, mudadii aan qarankan Odayga u ahaa.

Duco-qabayaal,

Sida aad la socotaan, waxa maalmo koobani ka hadhsan yihiin, Doorashadii Madaxtooyada, taasoo saamayn weyn ku leh mustaqbalka dalka, iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland:

  • in ay codeeyaan, isla markaana doorashada si buuxda uga qayb-qaataan.
  • in ay nabadda ilaaliyaan, kana feejig-naadaan wax kasta oo abuuri kara xasilooni darro.

in ay gacan siiyaan ciidammada ku hawlan sugidda amniga.

  • in ay isu dulqaataan, isla markaana isku ixtiraamaan kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee dhexdooda.
  • in la dhawro xeerarka iyo anshaxa doorashada, isla markaana loo hoggaansamo go’aamadda Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambayn, si horumarka iyo wax-qabadka Xisbiga KULMIYE uu taabo-geliyey, halkaa uu uga sii tis-qaado, waxaan ugu baaqayaa, Shacbiga Somaliland, in ay taageeraan, isla markaana u codeeyaan, musharixiinta Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii uu lahaa Xisbiga KULMIYE, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba”.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories