HomeMadaxweyne Siilaanyo oo sameeyey Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Heer Wasiir ah

Madaxweyne Siilaanyo oo sameeyey Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Heer Wasiir ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, waxaanu xilkaas u magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo Xilalka Wasiirka Qorsheynta iyo Warfaafinta ka soo qabtay Xukuumaddii Daahir Rayaale.

A-A-A-SIILAANYOWaxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay Galabta oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynaha Somaliland magacaabista iyo xil-ka-qaadista Wasiirradaas ku sameeyey iyo qodobbada Dastuuriga ah ee uu u cuskaday, waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4923/072017 uu xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada, kuna magacaabay wasiir cusub.

Xilka Qaadista Madaxweynuhu ku sameeyey wasiirku waxay u dhignayd sidan: Ku: Mudane, Cali Xaamud Jibriil  Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada.

Ujeeddo:-  Xil-ka Qaadis; Mudane, Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa  rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.

Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub. Madaxweynuhu: Markuu Arkay:- Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:- Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:- In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada.

Markuu Ka Fiirsaday:- Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetadaas Madaxweynaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories