HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Sameeyay Xilkaqaadis iyo Magacaabis

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sameeyay Xilkaqaadis iyo Magacaabis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xilal u magacaabay badhasaabada gobalada Daadmadheedh iyo Selel halka uu xilka ka qaaday wasiirudawlayaal iyo isla markaasna magacaabay qaar kale. waxaana sidan lagu sheegay warsaxaafadeed qasriga madaxtooyada ka soo baxay oo u dhigsaa isaga oo dhamaystiran sidan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3945/042016, uu magacaabis, xilka qaadis iyo isku bedel ku sameeyey qaybo ka mida xukuumadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;           

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

1.      In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo)

2.      In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga)

Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka Saaxil

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Daad-madheedh, Selel iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:          In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1.      In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.      In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3.      In Mudane, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda ay Guddida Qandaraasyada Qaranka u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo Magacaabidda Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane,Dr. Maxamed Faarax Ducaale,

            Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda                           

Og:     Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                        

 

Mudane,

 

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories