HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Salaaddii Jimce la Tukaday Dadweynaha Reer Gabiley (DAAWO SAWIRRO)

Madaxweyne Siilaanyo oo Salaaddii Jimce la Tukaday Dadweynaha Reer Gabiley (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Salaadii Jimcaha waxa uu la tukaday Mujtamaca Reer Gabiley oo uu madaxweynuhu si lama filaana ugala qayb galay salaadii Jimce halkaas oo uu kula tukaday masjid jaamaca magaalada gabiley.

blankMadaxweynaha oo aan wadan wax baabuur ciidan ah ama Baabuurtiisa Khaaska ah balse wata Laba gaadhi oo shiciba ah, ayaa mar keliya ay dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oon wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday manta.

blankDadkii isugu soo baxay barxaadaasi masjid ayaa waxay ku dhawaaqayeen soo dhawow madaxweyne kuna soo dhawow Gobolka Gabiley, oo aad maanta nagula tukatay, adiga oo aan wadan baabuur badan iyo ciidana waxay na tusaysaa inaad tahay madaxweyne dadkiisa Jecel anaguna waanu ku jecelnay madaxeweyne ee ku soo dhawow Gobolkaagaaga

blankHadaba, waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdilaahi Fadal iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland General Faysal Kaamil Ciise.

blankMadaxweynaha oo ku soo laabtay Caasimada Hargeysa, Salaadii jimce ka dib waxa uu soo maray Xabaal wadareedyada dooxa Abaarso ee xasuuqii Siyaad Barre uu kula kacay Shacbiga reer Somaliland oo uu madaxweynuhu soo kormeeray, kuna soo arkay kuwo daadku soo faqay iyo kuwo lahelayba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories