HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Safarkiisa ku sagootiyey magacaabista Guddiyo Ujeeddooyin kala duwan leh

Madaxweyne Siilaanyo oo Safarkiisa ku sagootiyey magacaabista Guddiyo Ujeeddooyin kala duwan leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Afar war-saxaafadeed oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayuu Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddiyo kala duwan ugu kala magacaabay xalinta khilaafaadkii ka taagnaa Ceel-bardaale, Bilicda Caasimada iyo Ciyaaraha Gobollada.

War-saxaafadeedyadaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu waxay u kala dhignaayeen sidan:

Guddiga dhamaystirka khilaafaadka Ceel-bardaale:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo ugu mahadnaqaya Duqaydii iyo waxgaradkii ka hawlgashay, hawsha ceel-bardaale ee ku guulaysatay inay isu soo dhawayso dadka deegaanka, isaga oo u mahad-naqaya Odayada labada Dhinac ee garawsaday inay nabadu tahay ta guul lagu gaadhi karayo, isaga oo xaqiiqsaday in loo baahan yahay in la qodax tiro oo la dhamaystiro Arrinta shaqaaqadii la baxday ceel-bardaale waxa uu magacaabay Guddida kala ah:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Xildhibaan Cali Maxamed Muuse

Ku: Xildhibaan Mahdi Xuseen Caraale

Ku: Muxumed Aw Axmed Aadan

Ku: Cawil Xuseen Axmed

Ku: Xildhibaan Axmed Daahir Jirde

Ku: Suldaan Axmed Daahir

Laga bilaabo maanta (shalay) waxa aan idiin magacaabay Gudida Dhamaystirka xalinta Khilaafaadka Ceel-bardaale. Hadaba mudanayaal si ay hawshaasi sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro waxa Guddidan Gudooomiye u noqon doona Xildhibaan. Cali X. Maxamed Muuse.”

Gudida Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda:

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya-dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada, waxa uu magacaabay:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada

Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Ku: Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka

Ku: Duqa Caasimada

Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex

Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad

Ku: Agaasiamaha Sonyo

Sida aad ka war-qabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaadataa milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay  iimaanka. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada, waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Gudida Tartanka Ciyaaraha:

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada, waxa uu magacaabay gudi Wasiiro ah oo wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa, isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartanadani u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo. Magacyada gudiduna waxay kala yihiin:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalin yarada iyo Ciyaaraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada

Ku: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Ku: Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo

Ku: Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good

Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha

Ku: Maareeyaha Hay’adda Dawrista Tayada (Quality Control)

Ku: Suldaan Axmed Daahir

Sida aad ka war-qabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaataan dhismaha bulshada iyo horumarinta dhalinyarada, waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka. Sidaa Darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan, waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011. Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Mudane, Cabdi Siciid Faahiye.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories