HomeMadaxweyne Siilaanyo Oo Safar Shaqo Ugu baxay Dalka Ireland, Madaarkana Kula Kulmay...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Shaqo Ugu baxay Dalka Ireland, Madaarkana Kula Kulmay Madaxweyniii hore ee JSL

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ugu ambabaxay safar shaqo dalka Ireland, iyaga oo sii mari doona Dubai.

 

Madaxweynaha waxay ku kulmeen qolka martida ee garoonka Diyaraaha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna gacan qaadeen halkaasi.

 

Madaxweynaha oo saxaafada warbixin ka siiyey safarkiisa shaqo ayaa yidhi “Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta ugu ambabaxaayo wadanka Ireland oo aan ku tegayo booqosho rasmiya”.

“Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii alle idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi, anigoo kala hadli doona qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland” ayuu yidhi madaxweynaha qaranku.

 

Isaga oo madaxweynuhu hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo. Waxaanan sii mari doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories