HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Safar aan hore loo shaacin ku tagay Magaalada Laascaanood...

Madaxweyne Siilaanyo oo Safar aan hore loo shaacin ku tagay Magaalada Laascaanood ilaa Tuulada Gambadha ee jiidda hore

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankLaascaanood, (SLpost)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool isaga oo markii dambe u sii dhaafay jiidda hore ee ciidamada Somaliland ku sugan yihiin ee tuulada Gambadha.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ku sugnaa magaalada Burco, waxa uu si kedis ah magaaladaas uga baxay abbaaro 4tii subaxnimo isaga oo waagu ugu baryey Kaantaroolka Woqooyi ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa magaalada Laascaanood kulamo kula yeeshay masuuliyiinta gobolka, degmada, ururrada haweenka iyo kuwa rayidka, ka hor intii aanu u ambo-bixin dhanka Tuulada Gambadha oo dhinaca Bari kaga began magaalada Laascaanood isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka JSL ee jiidda hore ee xudduudka Somaliland iyo Soomaaliya.

In kasta oo safar madaxweynaha ee gobollada Bari ee dalka lagu shaaciyey inuu ku ekaanayo gobolka Togdheer isla markaana uu ku sugnaanayo muddo laba cisho ah, haddana waxa uu safarkiisa magaalada Laascaanood ku soo beegmay maalin ka hor iyada oo magaaladaas lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sool oo dhaawac loo keenay cusbitaal ku yaala magaalada Burco ku geeriyooday.

Waa madaxweynihii labaad ee Somaliland ee Socdaal ku taga magaalada Laascaanood tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda.

Wixii cusub ee ka soo kordha kala soco SomalilandPost

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories