HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Wefti Ganacsato Turki ah oo dalka soo gaadhay...

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Wefti Ganacsato Turki ah oo dalka soo gaadhay iyo nuxurka Arrimo laga wada-hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ganacsato ah oo ka socda waddanmka Turkiga, kuwaas oo dalka u yimi sidii ay u indho-indhayn lahaayeen fursado maalgashi oo ay ka sameeyaan waddanka.

Weftiga ka socda dalka Tukriga oo ka kooban Ganacsato fursado maal-geshi ka raadinaya Somaliland oo dalka soo gaadhay Jimcihii, waxa uu madaxweynuhu ku qaabilay kulan ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim, Wasiirka Arrimaha dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

DSC_0190In kasta oo aanay warbaahintu goob-joog ka ahayn kulan dhexmaray madaxweynaha iyo wefiga ganacsatada Turkiga ah, waxa markii uu shirkaasi soo idlaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo hoggaamiyaha ganacsatada Turkiga Mohmeh Tors oo sharraxayay waxyaabaha laga wada-hadlay.

“Waxa halkan nala jooga wefti aad u ballaadhan oo ka yimi dalka Turkiga oo ganacsadayaal ah oo doonaysa inay waddankeenna maalgeshi ku sameeyaan. Markii ay madaxweynaha la kulmeen wuxuu u sheegay inay Somaliland tahay waddan diyaar u ah horumar iyo maalgashi, waddan dadkiisu yihiin ganacsato oo jecel inuu dadka soo dhaweeyo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Anigoo ku hadlaya afka dawladda iyo shacabka Somaliland waxaan idinku soo dhawaynaynaa gacmo furan, waxaananu dawladda Turkiga uga mahad-celinaynaa doorka ay ka galeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu yahay qasdigeedu sidii Somaliland madax-bannanideeda gooni isugu taagi lahayd oo aanu jecelnahay inay aad noogala shaqeeyaan.”

Sidoo kale Mr Mohmeh Tors oo hoggaaminayey weftiga ganacsatada Tukriga, ayaa yidhi, “Haddaanu nahay weftiga ganacsatada Turkiga ah waxa inaanu halkan nimaadno naga ogolaaday madaxweynaha Somaliland, aad baananu ugu faraxsannahay inaanu la kulanno madaxweynaha iyo wasiirrada.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu sii kobcinno xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga. Waa Tallaabadii u horeysay oo muhiim noo ah annaga inaanu halkan nimaadno, marka kalena si dhakhso leh ayaanu halkan ugu soo laaban doonaa annaga oo wadna ujeeddayada dhabta ah iyo iskaashiga aanu doonayno inaanu la yeelano Somaliland.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories