HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Safiirka Jabuuti U Jooga Masar oo Somaliland Ku...

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Safiirka Jabuuti U Jooga Masar oo Somaliland Ku Sugnaa Maalmii U Danbeeyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo  waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley  Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Amb. Maxamed Al Amiir oo Maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay Dalka Somaliland.

Kulankan oo ay ku wehelinayeen dhakhaatiir masaari ah oo ka kooban 15 xubnood mudana ka waday hawlo shaqo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa madaxweynuhu ku qaabiley xafiiskiisa isaga oo madaxweynuhu uga waramay xaalada guud ee dalka iyo halkii ay ka soo bilaabeen  Arrimaha caafimaadka ee ay maanta dalka u yimaadeen iyo halka uu hada maraayo oo ah mid alle loogu mahadiyo.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Kulanka ka dibna waxa saxaafada uga warbixyey ujeedada kulanka wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo ugu horaynba u mahadnaqay shacbiga iyo dawlada masar sida ay ugu dedaalayaan in ay wax u qabtaan shacbiga somaliland, waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay si buuxda ulashaqaynayaan dhakhaatiirta inta ay joogaan dalka.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarka, Nabadgelyada, waxbarashada, Caafimaadka IWM ee ay iska kaashan karaan labada Dal. sidoo kale waxa ay kulan la qaateen intii ay ku guda jireen Qasriga madaxtooyada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ku qaabiley xafiiskiisa ugana mahadnaqay weftiga sida ay isu xilqaameen ee ay ugu shaqaynayaan shacbiga Somaliland iyaga oo tabarucaad ama bilaash ku dawaynaaya bulshada Somaliland.

Ugu danbayna weftiga oo uu afkooda ku hadlaayey safiir ku xigeenka Masar u qaabilsan Jabuuti Mr. Maxamed Al Amiir ayaa ka mahad celiyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay bulshada iyo xukuumada Somalilandba u qaabileen weftigooda, isaga oo ku dheeraaday inay ka masar ahaan ku dedaali doonaan xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo shacbigaba, halkaana ka sii wadidoonaan dedaalada ay ka wadaan gudaha somaliland ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhianac, waxaanay madaxweynaha gudoonsiiyeen hadyad ay ugu talogaleen weftiga masaaridu.

waxaana kulankan madaxweynaha ku wehelinaayey

Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan

Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

 

 

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories