HomeMadaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Madaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa muddeeyey xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada dalka, taas oo uu ku jaan-gooyey muddo-kordhin sannad iyo toban bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameysay Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilliga doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada ku muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan 28-ka bisha March 2017-ka oo ku beegan muddo-kordhinta loo sameeyey, kaddib markii Maxkamadda sare qaraar ka soo saartay muran ka taagnaa muddo-kordhinta Guurtida oo u dhexeeya Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda.

War-saxaafadeed lagu faafiyey Digreetada xeerka madaxweyne oo ka soo baxday xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo hore loogu muddeeyey inay dalka qabsoomaan bishii June ee sannadkan oo muddo-xileedka madaxweynuhu ku ekaa, ayaa la filayaa inay dalka ka qabsoomaan bil ka hor muddo-xileedka Sannadka iyo Tobanka bilood ah ee Golaha Guurtidu hore u samaysay oo ku beegan bisha Afraad eee sannadka 2017-ka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories