HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Masuuliyiintii Iska Casilay Xukuumaddiisa ku beddelay Kulmiyehanno firfircoon oo...

Madaxweyne Siilaanyo oo Masuuliyiintii Iska Casilay Xukuumaddiisa ku beddelay Kulmiyehanno firfircoon oo dhalinyaro u badan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa buuxiyey boosaskii ay iska casileen masuuliyiintii shalay shaaciyey inay ka tageen shaqada dowladda qaarkood, isagoo sameeyey isku beddel iyo magacaabis cusub oo qaarkood ay ka mid yihiin rag dhalinyarada ah oo Kulmiyehannimadu ku dheer tahay.

Wasiirkii Wasaaradda Qarsheynta Dr Sacad Cali Shire, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu iska casilay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada oo uu iska casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan.

KULMIYEHANOSidoo kale, wasiirkii wasaaradda Nabadeynta Gobollada Bari waxa uu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu iska casilay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Dr Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirul-dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, ayuu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada. Halka Wasiir ku-xigeenkii hore ee maamulka iyo degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare, ayaa loo magacaabay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda.

Masuuliyiinta Cusub ee madaxweynuhu magacaabay oo dhammaantood ah rag dhalinyaro ah oo Kulmiyahannimadu ku dheertahay, waxa ka mid ah Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka. Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka tirsanaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye, ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu iska casilay wasiirkii hore Cabdirisaaq Khaliif. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Xuseen Aaden Cige (Deyr) oo ka mid ah Dhalinyarada Qalin-maalka ah ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii uu xilkaas banneeyey Afhayeenkii hore ee wasaaradda Axmed Saleebaan Dhuxul oo shalay shaaciyey inuu iska casilay xilkaas.

Masuuliyiinta shalay iska casilay oo sababta go’aankooda la xidhiidhiyey khilaafka ka taagan murashaxnimada Kulmiye, waxa ugu miisaan cuslaa oo ka mid ahaa Wasiirradii Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Shaqada, Cadaaladda, Hawlaha Guud, afhayeenkii madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenkii Dib u dejinta.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories