HomeMadaxweyne Siilaanyo oo masuuliyiin Cusub xilal u magacaabay

Madaxweyne Siilaanyo oo masuuliyiin Cusub xilal u magacaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta gelinkii dambe digreeto uu soo saaray waxa uu xilal ugu magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub oo wasaaradda Kheyraadka Baddu yeelanayso halka uu la-taliyihiiisa gaarka ah ee Arrimaha bulshada uu masuul cusub u magacaabay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaradda Kalluumaysiga u magacaabay inuu noqdo Cabdi-kariin Axmed Mooge, halka la-taliyihiisa gaarka ah ee Arrimaha bulshada uu u magacaabay Maxamed Iid Dhinbiil.

Warsaxaafadeed xambaarsan xilalka madaxweynuhu magacaabay oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                          Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:                     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                        In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                                  Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                          Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                                  In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:                     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:                        In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories