HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Masuul Cusub u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha...

Madaxweyne Siilaanyo oo Masuul Cusub u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa masuul cusub u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii uu maalintii dorraad iscasilay wasiirkii Wasaaraddaas Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa iscasildda ka aqbalay Masuulka Iska Casilay, sida lagu shaaciyey War-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay Madaxtooyada.

madaxweyne_siilaanyo20131War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu ku magacaabay wasiir cusub.

Ujeeddo:       Aqbalaad Is-casilaad        

Ku: Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

 Mudane,

Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

Magacaabid

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories