HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Marti-qaad Is-laab-xaadhasho iyo Taageero-doon ah ku Qaabilay Wasiirkiisii hore...

Madaxweyne Siilaanyo oo Marti-qaad Is-laab-xaadhasho iyo Taageero-doon ah ku Qaabilay Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Siilaanyo_Maxamed BiixiHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa marti-qaad u fidiyey Wasiirkii hore ee wasaaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay shalay ku kulmeen Qasriga madaxtooyada.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa madaxweyne Siilaanyo xilka Wasiirnimada ka qaaday bishii June ee sannadkan, ka dib markii uu la saftay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xurguf siyaasadeed dhexmartay madaxweynaha iyo xubno ka tirsan golihisa wasiirrada oo ay ku hirdamayeen murashaxnimada iyo talada hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga Caalamiga ah oo maalmo ka dib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday socdaal ugu amba-baxay dalka Ingiriiska isla markaana fasixiisa uga faa’idaystay inuu kaga qayb-galo tartankii Koobka Adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil, ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka, waxaanu marti-qaadka madaxweynuhu u fidiyey ku soo beegmay maalmo kooban ka dib markii ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Kulmiye si rasmiga u soo af-jareen khilaafkii ka dhex-aloosnaa, isla markaana ay isaga tanaasuleen Arrimo door ah oo labadooduba markii hore ku ad-adkaayeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Wasiirkiisii hore Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, balse ilo-wareedyo si dhow ula socday kulanka, ayaa Somalilandpost.net u xaqiijiyey in madaxweynuhu Wasiirkiisii hore ku bogaadiyey go’aankii uu ku gaadhay inuu kaga feker-duwanaado Golaha Wasiirrada ee uu ka mid ahaa oo iyagu dhammaantood la safnaa madaxweynaha, marka laga reebo Dr Maxamed Cabdilaahi oo kaligii taageero siyaasadeed la bar-bar joogsaday Muuse Biixi Cabdi.

Warka aanu ka soo xigannay ilo-wareedka kulanka la socday, waxa uu intaas ku daray in Wasiirku madaxweynaha raalli-gelin ka siiyey wixii xanaf ah iyo duul-duul dhinaca ka soo gaadhay aragtiyaha siyaasadeed ee ay ku kala duwanaadeen, isla markaana uu madaxweynuhu ka aqbalay.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiista todobaadkii hore oo madaxweynuhu ku marti-qaaday guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu shaaciyey inay ka heshiiyeen xurguf siyaasadeed oo kala fogeysay hoggaanka xisbiga iyo Xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu halkaas ku faray golihiisa Wasiirrada inay si rasmiya ula shaqeeyaan isla makaana shaqadiisa ku bar-bar joogsadaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Wasiirkiisii hore ee Ganacsiga oo daba-socda heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii Kulmiye, ayaa u muuqda mid ay xukuumadda dib ugu dheyeyso boogihii ka soo gaadhay Ismaan-dhaaf kala-irdheeyey, laba qayboodna u qaybiyey Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, waxaanu u muuqdaa mid lagaga gaashaamanayo dhaq-dhaqaaqyo iyo duufaanno siyaasadeed oo Axsaabta mucaaradka ahi ku hayaan Xukuumadda iyo xisbigeeda. Iyada oo ay muddo kooban ka hadhsan tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada madaxtooyada oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto bilowga bisha sagaalaad ee sannadkan. Halka Doorashada madaxtooyadana la filayo dalka inay ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socda.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa/Somalialnd

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories