HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Mar kale Xisbiga Waddani ku celiyey Xubin ay u...

Madaxweyne Siilaanyo oo Mar kale Xisbiga Waddani ku celiyey Xubin ay u magacaabeen Guddiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

siilaanyoHargeya (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu caawa soo saaray, waxa uu mar kale Xisbiga Waddani dib ugu celiyey xubin hore uga tirsanaan jirtay xisbigaas oo ay u soo xusheen xubinta u metalaysa guddiga doorashooyinka Qaranka, ka dib marka ay dhammaato muddo-xileedka guddiga doorashooyinka oo ku eg bisha dhammaadka bishan.

Xubinta Xisbiga Waddani u magacaabay guddiga doorashooyinka, ayaa xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo xilkaas iyo xubinimada xibsiga iska casilay horaanta bishii siddeed ee sannadkan.

Warsaxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha oo caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddo Madaxweye:       Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi digreetadiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories