HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Mar kale Seefta la Dhex-qaaday Golihiisa Xukuumadda; Xil-ka-qaadis, Magacaabis...

Madaxweyne Siilaanyo oo Mar kale Seefta la Dhex-qaaday Golihiisa Xukuumadda; Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isbeddel uu ku Sameeyey Agaasimeyaal iyo Maareeyeyaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

madaxweyne-siilaanyo3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray magacaabis, isku-beddel iyo shaqo ka eryis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyeyaasha hay’adaha Dawladda Qaarkood.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul, Digreetada madaxweynaha oo sumaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-1890/072013, waxa uu golihiisa Xukuumadda ku soo doray wejiyo ku cusub saaxadda siyaasadda, halka uu isku beddel ku sameeyey agaasimeyaal hore uga tirsanaa hay’adaha dawladda, isaga oo dhanka kale xilalka ka qaaday Agaasimeyaal Guud iyo masuuliyiin kale oo xilalka ka hayey hay’adaha dawladda.

Masuuliyiinta lagu sameeyey Xilka-qaadista, Iskubeddelka iyo magacaabista, ayaa u qornayd sidan:

b) Masuuliyiinta Xilalka Cusub loo magacaabay

1. Maxamed Sh. Cumar Xasan, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

3. Maxamed Cali Aaden, waxa loo magacaaabay       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

4. Cabdirisaaq Jaamac Nuur, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha

5. Maxamed Xuseen Axmed, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

6. Maxamed Jibriil Aaden, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

7. Mukhtaar Maxamed Cali, waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

8. Cabdi Cali Jaamac, waxa loo magacaabay Xog-hayaha Guud ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC).

9. Eng. Ismaaciil Cabdilaahi Cabdi, waxa loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

10. Fahmi Cabdi Bidaar, waxa loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga (NERAD).

18. Qaasim Xasan Mataan, waxa loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka

 

t) Masuuliyiinta laysku Beddelay

1.  Maxamed Xasan Siciid oo hore u ahaa Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Maamul Wanaagga , waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2.  Faysal Cali Sheekh oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

3.  Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh)       oo ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

4.  Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Caafimaadka, waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha

5.  Xasan Cumar Hoori oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta , waxa loo beddelay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga

6.  Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, waxa loo beddelay Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control)

7.  Siciid Saleebaan Mire oo hore u ahaa      Gudoomiyaha Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control), waxa lagu sheegay Xil Suge.

 

j) Masuuliinta Xilalka laga nasiyey

1. Maxamed Daahir Khayre, Xog-hayihii Guud ee Hore ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)

2.  Cabdi Ibraahin Cabdilaahi, Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa

3.  Mustafe Maxamed Qodax, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

4.  Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

5. Salaan Cabdi Cige, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories