HomeMadaxweyne Siilaanyo oo mar kale ku celiyey inay xukuumaddiisu Wax ka qabatay...

Madaxweyne Siilaanyo oo mar kale ku celiyey inay xukuumaddiisu Wax ka qabatay Garsoorka iyadoo dad badan cadaalad-darro u xidhan yihiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ayaa mar kale xusay in xukuumaddiisu wax weyn ka qabatay cadaaladda iyo Garsoorka iyada oo dad badan oo magan u ah hadhka cadaaladda xukuumaddiisa ay xabsiyada dalka ugu jiraan iyada oo aan maxkamad la hor keenin.

Madaxweynuhu waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyey Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii uu xisbigiisu ololaha ku jiray ballan-qaaday inuu wax-weyn ka qabanayo cadaaladda iyo Garsoorka isla markaan waxyaabihii lagu doortay ay ka mid ahaayeen, waxa uu khudbaddiisa maanta ku xusay inay xukuumaddiisu iyadoo fulinaysa barnaamijkii Xisbiga ay sameeyeen kulan ballaadhan oo ay ku daraasadaynayaan cadaaladda iyo garsoorka dalka, waxaana ka mid ah khudbaddii madaxweynaha, “Sidii ku xusnayd barnaamijkii xisbiga, xal u helida garsoorka iyo sugidda caddaalada, waxaanu qabanay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad lagu sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeer-ilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Anagoo ka shidaal qaadanayna wixii kasoo baxay cilmi-baadhistaa, waxaanu wax wayn ka qabanay nidaamkii garsoorka ee dalka.”

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xabsiyada dalka ku xidhan yihiin dad badan oo aan loo xalaaleyn Xadhiggooda kuwaas oo ay ka mid yihiin Boqor Cismaan Buur-madow, Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsanaa oo u xidhan eedo musuq-maasuq kuwaas oo ay ka mid yihiin Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Wasaaradda dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid, oo saddexdooduba maxkamad la’aan xabsiga ugu jira muddo bil iyo dheeraad ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories