HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Magacaabis cusub iyo Xil-ka-qaadis ku sameeyey Xubno ka tirsan...

Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabis cusub iyo Xil-ka-qaadis ku sameeyey Xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa soo saaray digreetoo uu magaacis cusub iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey Maamulka gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Buuhoodle, halka sidoo kale uu xulkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Buuhoodle Cabdi-qani Cabaas Muuse.

siilaanyoSida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada Cabdinaasir Yuusuf Daahir, waxa uu madaxweynuhu guddoomiyaha gobolka Buuhoodle u magacaabay Cismaan Ciise Maxamed inuu noqdo Badhasaabka gobolka Buuhoodle

Warsaxaafadeed lagu faafiyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014, waxa uu Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, kaas oo booskiisa aanu madaxweynuhu weli cid u magacaabin.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:          Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:                In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku qancay:                         In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aamiyay

In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle

Mudane,

Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories