HomeMadaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Xubnaha ku jira

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Xubnaha ku jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  magacaabay xubnaha guddida diiwaan galinta ururada Siyaasada ee dalka, taas oo dhamaystir ka dhigaysa, dhaqan galka iyo hirgalinta furashada ururo siyaasadeed oo tira badan oo dalka ka ka hirgala, isla markaana noqonaysa talaabadii u danbaysay ee geedi socodkii taaba galinta arrintan oo wajiyo kala duwan soo martay sida ansixintii labada gole baarlamaan (Wakiiladda iyo Guurtidu) meel mariyeen sharciga furashada ururada siyaasada ee dalka iyo saxiixidii uu dhawaan qalinka ku duugay madaxweynuhu.

Xubnaha uu Madaxweynuhu u magacaabay diiwaan galinta ururada siyaasada ee dalka ayaa ka kooban todaba xubnood oo xubin ka mid ahii ka tirsanaa golihii wasiiradii u danbeeyay xukuumadii Rayaale.

Haddaba warsaxaafadeed afhayeenka Madaxtooyadu ku saxeexan yahay oo lagu shaaciyay magacaabista guddidan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku  magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Madaxweynuhu :   Markuu Arkay:   Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,

Markuu Tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL. Wuxuu go’aansaday, In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:

1.       Cabdalle Ibraahim Maxamed

2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)

3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan

4.      Cumar Xasan Jaamac

5.       Maxamed Cabdi Maalik

6.      Aadan Geedi Qayadi

7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali”

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories